WAJAALE NEWS

Masuuliyiinta Golaha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka Oo Ku Dhawaaqay Is Bedel Ay Ku Sameeyaan Magaca Golahaasi.

Hargeysa(Wajaale News):-masuuliyiinta golaha madaxa banaan ee wada tashiga iyo toosinta qaranka ayaa maanta markii ugu horaysay si rasmiya ugu dhawaaqay inay wax ka bedel ku sameeyeen magaca golahaasi.

masuuliyiinta golaha madaxa banaan ee wada tashiga iyo toosinta qaranka ayaa maanta markii ugu horaysay si rasmiya ugu dhawaaqay inay wax ka bedel ku sameeyeen magaca golahaasi.

Masuuliyiinta golaha madaxa banaan ee wada tashiga iyo toosinta qaranka oo maanta shir jaraa,id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxay sidoo kale ka hadleen wada hadalada Somaliland iyo somaliya iyo heshiiska dhinaca hawada ee lagu saxeexay wadanka turkiga.
Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo ka
mid ah masuuliyiinta golaha madaxa banaan ee wada tashiga iyo toosinta qaranka oo shirkan jaraa,id ka hadlay ayaa ku dhawaaqay is bedalka ay ku sameeyaan magaca galahooda isla markaana faah faahin ka bixiyey sababaha kaligay inay isbedel ku sameeyaan magacaasi waxaanu yidhi ? iyada oo talada iyo toosinta si weyn loogu baahan yahay ayey xukuumadii ka tagtay  wada tashigii  iyo toosintii oo ay erayga golaha ku dhagtay oo ay shaqo ka dhigatay, wixii mudnaanta lahaa lama siin mudnaantiisii wixii aanay sakaaro ka biiqsana waxa laga dhigay buuro waa weyn  oo lacagta lagu kharash gareeyey, salaadiinta, madax dhaqameedka, siyaasiyinta,culima aw  diinka iyo wax garadka lagu soo abaabulay eraygaa aanad qiyaasi Karin.?
Mujaahid Xasan Ciise oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey ?erayga gole waa mid afsoomaali ah oo dadka ka dhaxeeya, golayaaal dastuuri ahna way jiraan waana golaha xukuumada,golaha sharci dejinta,golaha guurtida iyo golayaasha deegaanka waxaana distoori ka dhigaya oo micno  u samaynaya waxa ka danbeeya ee la raaciyey balse may qaadan magaca gole, golahani mar kaliya muu odhan gole dastuuri ah ayaanu nahay.?
Mujaahid Xasan Ciise Jaamac  ayaa si rasmigay ugu dhawaaqay bedelka ay ku sameeyeen  magaca golaha waxaanu yidhi ?Haddii ay dawladeenii miciinsatay eraygaa gole oo ay dadkii ku jaah wareerisay oo ay wakhti badan ku lumisay oo ay kharash badan ku lumisay  oo maskax badan iyo fikir badan oo aanay istaahilin  galisay oo ay salaadiintii ka soo hor jeedsatay waxaanu go,aansanay inaanu eraygaa gole meesha ka saarno oo aanu u diidno waxay ku marmarsoodaan, salaadiintana waanu u sheegnay, waxaas oo dagaalana  ma istaahilo eraygaasi  wax ka weyn ayaanu ku soconaa oo ah inaanu wax ka qabano dhibaatooyinka badan ee dalkeena haysta  oo aanay xukuumadu kaligeed waxba ka qaban Karin, markaa waxaanu u bixinay MADASHA WADA TASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA.?

Sidoo kale waxa shirkan jaraa,id ka hadlay qaar ka mid ah masuuliyiinta madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka kuwaas oo ka hadlay shirarka ay xukuumadu la gasho dawlada Somaliya.

Wajaale News
Hargaisa/Somaliland
Wariye: Cabdiqadir Cabdiraxmaan Habane

Exit mobile version