WAJAALE NEWS

Lacag Somalia ka soo degtay Xeebaha Sanaag oo dhibaato ku abuurtay Gobolka

Ceerigaabo (Wajaale News) Lacag Shilling Somali ah oo ka kooban Noodhadh kun kun ah ayaa toddobaadkan si qarsoodi ah uga soo degtay Xeebaha Gobolka Sanaag gaar ahaan agagaarka Laasa-Surad iyo Geel-weyn, taasoo khatar fawdo ku noqotay wax kala Iibsigii Ganacsiga Gobolka.

Sida ay ku soo waramayaan Wariyayaasha Gobolada Sanaag iyo Sanaag Barri Lacagta soo degtay oo ka kooban Noodhadh kun kun ah waxay ku fiday dhamaan degmooyinka ceerigaabo ka xiga barri, waxaana ka dhex abuurmay Ganacsatada iyo Dadweynaha kala shaki ka dhashay lacagtaas oo aan hore Goboladaas looga isticmaali jirin.
Baanka Ceerigaabo ayuu wariyuhu ku soo waramayaa in uu dadweynaha uga digayo lacagtaas, isagoo ku boorinaya in lacag Somaliland-ta la Isticmaalo oo la iska ilaaliyo, balse Madaxda Baanka Dhexe oo aanu isku daynay way ka gaabsadeen, waxaanay sheegeen in ay Xogo dheeraad ah ka diyaarinayaan Lacagtaas.
Lacagtan ayaa ah lacag goboladda Dhexe ee Somaliya laga isticmaalo taasoo ay joojiyeen maamulada ka jira goboladaasi kadib markii ay bulshada ka dhex abuurtay qas iyo qalalaase ka dhashay, waxaana warbaahinta qaarkeed lagu faafiyay khatarta Lacagtaas.
Xukuumadda Somaliland wali awood umay yeelan in ay Lacagta Shilling Somaliga ah ka bedesho goboladda barri gaar ahaan Gobolka Sanaag, waxaana lagu isticmaalaa labada lacagayowba. Hase yeeshee Guddoomiyaha Banka Dhexe Cabdi Dirir Cabdi ayaa sheegay in ay ku guda jiraan bedelaada Lacagta Somaliga ah, isagoo sheegay hawshaasi in ay meel fiican u marayso.
“ lacagtaas war kama hayo xog dheeraad ah, laakiin xog dheeraad ah ayaa lanoogu maqan yahay, balse waxa naga go’an in aanu Lacag Somaliga ka sifayno oo aanu shilling Somaliland geyno, umana aqoonsan doono lacagtaas in sidii Burco oo kale aanu bedelnee qorshe ka balaadhan oo aanu kaga hortagayno ka shaqaynta ay Gobolka ka shaqayso ayaa gaba gabo noo maraya” ayuu yidhi

 

 

Wajaale News

Office : Hargeisa/Somalialnd

Email: wajalenews@gmail.com

Exit mobile version