WAJAALE NEWS

Iska Hor Imaad Ku Dhex Maray Deegaanka Waraabeeye ee Gobolka Togdheer Ciidanka RRU iyo Dadka Deegaanka Warbixin Ayaan Idiinka Haynaa

Burco(Wajaale News) iska horimaad  baladhan oo maanta ku dhex maray Degaanka Wara-beye Ee G/Togdheer ayaa waxa ku dhawacmay hal qof oo shacab oo ka tirsan maleshiyo beleed ku sugan degaankaasi. Qofkani shacabka ayaa la shegay inuu ku dhawacmay iska horimaad laysku adeegsanayey hubka noocyadiisa oo dhex maray ciidanka RRU iyo Dad shacab ah Oo ku dhaqan

 

 

degaanka Wara-Beeye Oo ka tirsan G/Togdheer. Ciidanka RRU ayaa qofkani shacabka ah ka dhawacay lug waxaana aan haba-yaratee wax khasaara ah aan la gaadhsin Ciidamada RRU Ee Weerarka ku soo qaaday Degankani. Waxaana ay intaasi wararku ku darayaan inay ciidankani difacayeen Shirkadda qodaysa Shidaalka oo degaankasi ka wada howlaha baadhista shidaalka, shirkadan oo dadka deegaanku ka biyo diideen qaabka ay wax u wado iaygoo sheegay inaan sami fiican laga siin shaqaalaha hawsha ka wada shirkadan shidaal qodista ka wada deegaaankooda

 

 

 

Wajaale News

Office: Hargeisa/Somaliland

Email: wajalenews@gmail.com

Exit mobile version