Hargeysa(WJN):- Hay?ada IXSAAN Foundation oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa maanta deeq raashina u qeybisay 75-qoys oo naafo ah, kuwaas oo ku jira xerada Naafada Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Hargeysa(WJN):- Hay?ada IXSAAN Foundation oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa maanta deeq raashina u qeybisay 75-qoys oo naafo ah, kuwaas oo ku jira xerada Naafada Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Deeqdan raashinka ah oo ka koobnayd Bariis, Saliid iyo Timir ayaa waxa qoyskasta la siiyey Kiish Bariisa, Caagad-Saliida iyo Timir, taas oo ka farxisay bishan barakeysan ee Ramadaanta oo ay dadkaasi jilicda sani isaga baahnaayeen.
Wakiilka hay´ada[
IXSAAN foundation ee Somaliland Axmed Cabdi Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka sheekeyey deeqdan raashinka ahi waxay ka kooban tahay iyo cidda ay wadaan, waxaanu yidhi”Waxaanu maanta xerada naafada soo gaadhsiinay deeq raashin ah oo isugu jirta Biriis, Saliid iyo timir oo ah deeqdii aanu ugu talogalnay dadka naafada ah ee cuuryaamiinta eek u nool xerada naafada ee Caasimada Hargeysa”.
“Waxaan rajeynayaa inaan mustaqbalka wax baddan la qaban doono oo aanu ka caawin doono,”.Ayuu yidhi
Guddoomiyaha Dallada naafada qaranka Somaliland ee SNDF Mukhtaar Cismaan Muxumed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi?Waxaynu halkan isugu nimid waxa weeyaan deeqdii ugu horeysay ee raashin ah oo ee hay´ada la yidhaahdo IXSAAN Foundation ay soo gaadhsiisay xerada naafada Somaliland, Markaa waxaan u mahad-celinayaa madaxda hay?ada IXSAAN Foundation ee iyagu deeqdan na soo gaadhsiiyey waxaanan leeyahay waxaad deeqdan raashinka ah na soo gaadhsiiseen wakhti ku haboon oo munaasiba, waxan ILAAHAY idinka baryayaa inuu miisaanka xasanaadka idinku daro”
?Waxaana deeqdan loo qeybinayaa 75-qoys oo danyar ah,waxaana loo qeybinayaa raashin ka kooban Biriis, Raliid iyo Timir, waxaana qoyskasta la siinayaa kiish biriisa, caagad Saliida, iyo Timir, waxaanan ilaahay uga baryayaa ciddii soo bixisay inuu miisaanka xasanaadka ugu daro oo halka ay ka soo saareen labanlaabkeed ugu bedelo?. Ayuu yidhi Mukhtaar.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Dadka naafada ahi inta xeradan ku jirta way ka balaadhan yihiin oo waxa jira goobo lagu hayo caruurtii naafada ahayd, waxa jira goobo lagu hayo dhagoolayaashii, goobo lagu hayo indhoolayaashi, sidaa daradeed waxaanu hay´ada IXSAAN u soo gudbin doona baahiyaha naafada oodhan.
Wajaalenews Desk
Contact Us : wajalenews@gmail.com