Dhinaca kale waxa aan noo suurtaglin inaanu arintan Wax ka Weydiino Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahim Geedi khadka Isgaadhsiinta awgeed si aanu wax uga Weydiino Waxa hakiyay Xilkaqaadistii uu noo Sheegay in uu dhakhso uga Wareejinayo
Agabar(WJN)-Gudoomiyaha Degmada Agabar Axmed Yuusuf Jaamac (Axmed-Adeero), oo Shabakada Wajaalenews ugu waramey khadka Isgaadhsiinta telefoonka isagoo ku sugan Magaalada Agabar ayaa Sheegay in uu diyaar u yahey Xilwareejinta, oo aanay jirin habayraatee wax diidmo ah oo xagiisa kayimid haseyeeshee, Dadweynuhu ku gadoodeen nidaamka Xilka looga qaadayay iyo Ciidamada la geeyay halkaasi.
Axmed Yuusuf Jaamac(Axmed-Adeero), waxa uu sheegay in xilkaqaadistiisu ka dambeysey Arimaha Shirka Sacad-Muuse oo uu ku sheegay in uu dhidibada u adkeeyay sidii uu uga qabsoomi lahaa Degmada Agabar, islamarkaana ay
isaga iyo dadwerynaha Reer Agabarba soo dhaweeyeen ergooyinka Degmada Agabar u yimid Shirkaasi, isagoo xusey in uu wareejinayo Xilka kuna Wareejinayo ninka loo Soo Magacaabay (Ina-Ciyaale) oo ahaa lataluaha Arimaha Shuruucda ee Golaha Deegaanka Degmada Gabiley, Gudoomiyaha Degmada Agabar Axmed Yuusuf Jaamac (Axmed-Adeero), oo arintaa ka hadlaya waxa kamid aha hadaladiisa.
“Xilkaqaadis ma,aha ee Baroortu Orgiga Wey Ka Weyn Tahey
Anuu wax diidmo ah ma Sameyn Xilkaqaadista aan Diyaariyo ayaan idhi Laakiin imika Tiri ayuu igu Yidhi Aroorta ayaan wareejinayaa intaa wax ka badan magaranayo wax muran ahi kama taagna inaan xilka wareejiyo laakiin hanjabaada iyo qorigan nalagu qabtey ayay Dadweynaha Reer Agabar ka xanaaqeen waaney ku buuqeen Badhasaabkii,waxaana lagu yidhi hadeydaan wax kale ujeedin Waagu ha idiin beryo Ciidan iyo isagiiba wey na dul fadhiyaan hada
Waxa ka dambeeya arintan yarkii Ina Suldaan Cabdi iyo Wasiirka Maaliyada ujeedaduna waa Shirkaas lagu qabanayo Agabar ee Sacad Muuse anigu waan dalacey kol hadii la igu eedeeyay Shirkii Sacad-Muuse inaan Rukunada utaagey Waxaana laga yaabaa inaan Badhasaabka Xilka ka tirsado markuu dhamaado Shirkan Sacad Muuse, waxaanan kuu Sheegayaa markii hore warqad aan saxeexneyn oo Wasiir Kuxigeenka Amniga ah ayaan aragney laakiin hada Warqad uu soo sexeexay Wasiirka Arimaha Guduhu ayaa nasoo gaadhey oo Cali Warancade ku sexeexan yahey, waanan wareejinayaa xilka waxaanan ku wareejinayaa ninkaa loo soo Magacaabay ee (Ina-Ciyaale), oo ah nin inaadeerkey ah xilal hore ayaan anigu soo qabtey waanan garanayaa xilwareejintu sida ay tahey haseyeeshee, tani ma,aha waa ka weyn tahey Waxaanay kla macno tahey mid ka fiool xun nidaamkii awooda qof loogu maxlalayay ee Xisbiga Udub iyo Xukuumadii hore wey ka Xishoon jireen tanoo kale, dad badanina wax bay sheegayaan laakiin mar kaleynui ka hadli doonaa”Ayuu yidhi Axmed Adeero.
Dhinaca kale waxa aan noo suurtaglin inaanu arintan Wax ka Weydiino Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahim Geedi khadka Isgaadhsiinta awgeed si aanu wax uga Weydiino Waxa hakiyay Xilkaqaadistii uu noo Sheegay in uu dhakhso uga Wareejinayo Gudoomiyaha Degmada Agabar,uu duhurkii noo sheegay.
Talaabadan Xilka lagaga qaadayo Gudoomiyaha Degmada Agabar Axmed-Adeero ayaa noqoneysa tii labaad ee nooceeda ah oo Gobolka Gabiley ka dhacda Todobaadkan taas oo loo tirinatyo in awood daaha dambe ah lagaga taageerayo mid kamid ah dhinacyada Xukuuada katirsan ee kasoo jeeda Gobolka Gabiley, iyadoo arintanina dareen gaar ah ku abuureyso Dadweynaha Reer Gabiley oo inta badan ka Xanaaqa arimaha Marwada ayaa awood siisey dhinacaasi iyo wixii la Xidhiidha waxaanay arintani saameyn kuyeelan doontaa Maamulka Gobolka Gabiley iyo Bulshada dhexdooda.
WAJAALE NEWS DESK
GABILEY OFFICE
CONTACT US : Wajalenews@gmail.com