WAJAALE NEWS

Ganacastadda Ceerigaabo Oo Walaac Ka Muujiyey Lacago Been Abuura Oo Soo Galay Gudaha Gobolka Sanaag

Ceerigaabo (Wajaale News)- Ganacsatadda ku dhaqan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa cabasho xoogan ka muujiyey lacago ay sheegeen inay been abuur ku soo galaan gobolka Sanaag, gaar ahaana Ceerigaabo.

Wajaalenews  oo qaar ka mida dadkaasi la xidhiidha ayaa sheegay inay lacagahaas badankooda laga soo galiyo gobolka dhanka bari, isla markaana ay khasaaro badan ku hayaan bagaash layada iyo ganacsatada yar yar.

Ganacsade magaciisa ku soo

koobay Maxamed ayaa yidhi ?dhib mooyee dheef kuma qabno, hada waxaanu ku jirnaa marxalad aanad qiyaasi Karin, waxaa magaalada si qayrul caadiya u soo galaaya lacago been abuura oo laga keeno dhanka garoowe. Waxaanu xukumda ka codsanayna inay arrintaas wax ka qabtaan ama naga badalaan lacagtan?

Ganacasto kale oo aanu la xidhiidhnay ayaa sidaas oo kale noo xaqiijiyey inay jiraan lacago samaysay ah oo saamayn balaadhan ku yeeshay ganacsigoodii.

Maamulka gobolka Sanaag oo aanu isku daynay in aanu arrintan wax ka waydiino nooma suurto galin.

Dhawaan ayey ahayd markii maamulka Puntland shaaciyeen inay jiraan lacago been abuura oo lagu dhex arkay suuqyada Puntland.

Wajaale News
Office: Hargeisa/Somaliland
Email:wajalenews@gmail.com

Exit mobile version