WAJAALE NEWS

Dhuffaan Labba: Waa Gabay Cusub OO Tiriyay Abwan Ismail yuusuf Cabdi (Jiheeye)

Dhuffaan Labba

Waa Gabey cusub oo uu tiriyey Abwaan: Ismaaciil Yuusuf Cabdi (Jiheeye).

Waxaanu kaga Jawaab celinayaa, isla markaana si ay Silsilad u noqoto ugu gogol xaadhayaa, Gabeygii la magac baxay DHUFFAAN KOOW ee u  tiriyey Abwaan: Xassan Dahir Ismaaciil (Weedh-same),

kaasoo ku soo baxey JOORNAALKA GEESKA AFRIKA. Caddadkiisii  (1764aad), oo ku beegnaa maalintey  Taariikhdu ahayd 4/july/2013.

Kana dhashay Dhacdadii Dhalinyaradda Reer Masar ka sameeyeen Fagaaraha Taxriir, taas oo ku dhalisey Abwaan: Weedhsame in uu is weydiiyey su’aal, taas oo ahayd:

hadmuu tolow dhalinyaradaadda Caqligeedu halkaa gaadhi doonaa, iyagoo sidaas oo kale  Gacmaha isku haysta oo Qabyaalad iyo Qolo qolo ka koreyna Dulmi uga gilgilan doonaan?

Su’aashaas ayay labada gabeyba salka ku hayaan, midba dhan uu ka is taago wallow aaney kala aragti fogeyn, oo ay Dareen mid ah wadaagayaan.

Wuxuu isna Gabeygan Dhuffaan Labba ee Abwaan: Jiheeye isna soo baxay. Taariikhdu markii ahayd 15/july/2013

 

Wuxu yidhi:

 

Dhooddaan iyo sidii Aayeh iyo, dhammacba loo aassey,

Dheggahaygu may maqqal Higgaad, dhiibsan dabaddoodde,

Dheg wanaagga Maansaddii lahayd, dhumucda Liishaanka,

Luun-jeexeh dheegtiyo shax-yareh, dhuuqeybaa diley’e,

Oo Dhawdhawlayaalbaa qaribey, dhaxal-galkeeddiiy’e.

 

Dhuffaan koow hal-yey yahaw dhahee, Hibashaddii dhaadtey,

Haddaan lays dhaliilleyn Mullaax, dhiibsanbaad tidhiye,

Dhug ma samme dhawaaq same kolkaan, dheehdey Arahdaadda,

Dhankastaba  Muggeeddii markaan, dhaadhi kala daalley,

Dhubuq yidhi warkaaggii Hiyigga, waannu ii dhacay’eh,

Hal an dhaafey Hanad ii dhahoo, dhiig leh baad tahayeh.

Dhubbad qaadka Heensaha siddaad, dhuuxa ugu yeeshay,

Ma dhaadiyo Nimaan dhuggan kareyn, dhumucda mooyaanneh,

Dhagoolliyo Nimaan dhirin kareyn, dhiddibka moojaann’eh

Dhuggey dhuggey Ninkii dhaayo qabey, dheehay Qarradkiiy’eh,

 

Dhuffaan koow hal-yey yahaw dhahee, Hibashaddii dhaadtey,

Han wax dhaaddey hami dhoohanbuu, Hees ku dhaliyaayeh,

Masaarriddan dhiggeenna ah kolkad, dhugadtey jeeddaashey,

Tixdey kuugu dhaliyeen siddaad, dhaabad ugu yeeshay,

Qofkii dhuuxay isagoon dhineyn, wuu u dhaadhacay’eh,

 

Runta wey ka dhimataa ciddii, Been ku dharagtaayeh,

Innad tahay Abwaan dhiidhiyoo, meel fog dhugannaayah,

Nin Dheggahaa la haystiyo Hanfadeh, dhoohanbaan garanneh

Dheemaal ku nooshana Naxwuhu, wuu dhan marayaayeh,

 

Dhanka kale Humaagyadda haddaan, sii dhambalo xaadhoh,

Ama aan u dhaadhaco  Dhacdadan, dhalisey Hawraarta,

 

Dhalinteenan Huruddeed Abwaan, dhirin-rabteed toossin,

Dhiggood dhararka wey leegyihiin,  dhumucda Feedhaha’eh,

Dhallaan iyo waxay isku qabaan, malaha dhoorreeyeh,

Taxriir kuwa ka dhiidhiyey ileyn, waysku  dhigan yiinneh,

Oo Waliba haddaan lagu dhex jirin, Kabba dhawaaq roonneh,

Waxse kala dhabaan-dhabey Qabiil, Dhiigga Raacsamayeh,

Haddey Dhaayo leeyiin waxaa, uma dhagtaageenneh,

Dhigo iyo haddey Udub noqdaan, lama dhaqaajeenneh,

Ma-gafuhu Addoon kama dhigteen, uu ku dhaansado’eh,

Oo Mukhalas is dhaafiyey Bad-weyn, kuma dhameeyeeneh,

Hadba Toodda dheeha leh Hablahan, sibiq dhaqaaqaayah,

Liibiyaan ka dhaashadey innaba,  Uma Dhareersheenneh,

 

Dhuffaan koow hal-yey yahaw dhehee, Hibashaddii dhaadtey,

Dhabbahaad ku taagneyd haddii, Naanni lagu Dhoobbey,

Oo inaad is dhiibtana Hankaa, uu ku dhici waayey,

Dhudhub iyo Shiil-cadbey Ninnimo, kala dhex taallaayeh,

Dhudhun wuxu dhadhaab kaga baxaa, waa dhiraandhirineh,

Dhur-sugaal dhaqaaq lagu dariyo, Maanso dhinac taallah,

Ayuu Geesi dhaarsani Abwaan, Guul ka dhaliyaayeh,

 

Dhudda gabeyga dhooddiga Murtidda, dhumucda Hawraartu,

Dhinaceenna waa hibo ka dhigan, Haybad dheeriya’eh,

Waa dhaabad maankiyo Qalbiga, Mawlaheen dhigay’eh,

Waa dhaxal ku meeraran Hankoo, dhuuxa Raad ku leh’eh,

Dhawaqeedda Rawraban kolkaan, dhuunta ka higgoonnoh,

Dhulka Samadda Carshigga Raaranbaa, laga dhageystaayeh,

 

Laan-dheerta Gabeybaa wax badan, lagu dhisaallaayeh,

Haddeey Dheggaha Awdaan kuwii, dhugan lahaa Jaalleh,

Nabbiggii la dheelmee Waxyiga, Waaxid ku u dhiibeyh,

Ku dhehbaa la farreyoo Hannuun, kuma dhibtooneyneh,

Waxse taa dhiggeeddoo u dhiggan, dhuunta Maansada’eh,

Daddaal Ruux Dhiteystaa Barruu, Libbin ku Dhaadtaayeh,

Dhabar Kaafir baa lagga hellaa, Muummin dhumuc weyneh,

 

Afartaa wax lama dhalan-dhoolliyee, maw dhabacay xeesha’h,

Dhundhumaha xariirta ah si wacan, maw dhildhilo saaffey,

Dhuffaan Labba Tixdaan idhi miyaan, dhabaha weydaarshey

Ma Dhamballey siddii Dheemmantii, Dhagaxa jeexaysay.

Afar kalase aan biyo dhacee, dhuuxa Qaradkooddah,

 

Dhug malaha Siyaasigu hadduu, Maal Agoon dhaco’eh,

Dhug malaha Suldaankuna Hadduu, Aano dheefsado’eh,

Dhug malaha Nin-weynoo dayacay, dhallinyartiisiiyeh,

Dhug malaha Dhabbeeshaan Xayuhu, Dhaabad u ahayneh,

Dhug malaha Muftiga kii Cilmigga, kaliggii dheehdaayeh,

Dhug malaha Ninkii Maal dhaqdeen, dhawrto bixineyneh,

Dhug malaha Gar-sooraha midh Dhabba, ku dhici waayaayeh,

Dhug malaha Ninkii Dhagar Islaam, Haybad ka dhigtaayeh,

Dhug malaha Nimeey kala dhinteen, Waalidkii dhalay’eh,

Dhug malaha Abwaankii Murtidda, kala dhantaallaayeh,

 

Dhanka kale Humaagyadda haddaan, sii dhambalo xaadho,

Dhacdo Ugubba oo timid Bulshaddu, wey dhadhamisaayeh,

Nin indho la dharaar iyo Habeen, iskuma dhaamaanneh,

Wax ka dhigan dhagoolahad gadaal, uga dhawaaqdaayeh,

Dheeman haddey Luul siddiyo, Dhagax haddaad saartoh,

Uma dhallan Dameerruhu xiskii, dhugan lahaa taaseh,

Dhinacyaddaa la eegaa haddaad, dhaayo leedahayeh,

 

Umadyahay dhibtoodtee Dulmigu, dhiigga ka idleeyey,

Wixii shaleyto soo dhacay haddaad, maanta dhugan weydoh,

Ood is wada dhufaantood Nin Ragga, dheehan garan weydoh,

Ninka mililka guudkii dhayaan, Miid u dhaadhicinneh,

Dhawr dacal kolkii aan dhugteen, dhaawacyadda eegey,

Dhibaatooyin badanon arkaan, kuu ban-dhigayaayeh!

Iga dheeho sida aan dhacdaddan, uga dhawaaqsiiyey,

 

Shicib dhoohan madax dhiigyo caba, majarreh dhaandhaamey!

Qabiil dhiiran Qaran aan dhisneyn, Aafo dhinac taallah!

Dhaqan lumey Aqoon aan dhameyn, Dhaar la fulin waayeyh!

Dhacan seerre lagu dhoorayoon, dheefna lagu beerin!

Dhul la nacay degaankiyo dhirtooy, dhamacdu leefeysoh!

Cashuur dhiibeh dhacannoo haddana, dhaylay bixinaayah!

Dhugmo hoostey dhalanteed widhwidhey, dhimasho Noolaan ah!

Nimco dhoorran Nabad Been ku dhisan, Neerfis laga dheefeyh!

Dhito muran ah taariikh dhambalan, Maamul dhacadiidda!

Gadh loo dhaqay si maal loo dhaqdoo, dheeha sare sheekh ah!

Dhar asturan dhabeel sidata oon, dhaqan u hooseynin!

Jacayl dheela jeedaal dhug daran, jamasho dhoof-doonn ah!

Aasaar dhaxala umad aan u dhallan, dhugasho miisaantah!

Xiddig dhacay xumaan soo dhaxdiyo, Xaalladdo is dhaafsan!

 

Dhal la tuurey dhalaan Hooyaddii, dhaadhinta u diiddeyh!

Boolis  dhalahleh caaqil aan ka dhicin, dhuuryadiyo Haaddah!

Ma dhugtaha Cadliga dhaawacee, ceebta dhilannaaya,

Ee Shicibku Dhiiggiisa cabbey, filaya dhuuxoodda,

Ee intu shuruucdii dhamballey, Dhaqanka shaasheeyey,

Intaas oo is dhinac teedsan iyo, ino kaloon dhaafeyh!

Iyo waliba dheeraad jirooy, dhihiddu diideysoh!

Ayeydin dhalan-dooriye haddaad, maanta dhuganweydo,

Ood Dhoobo eriggan Beenta ah,  maamul dhisan mooddo,

Markay Xaajo dhamacdaad Bulshooy, soo dhas-dhabasleynee,

Dhukh dhukhdaa ku jira oo dhur sugga, Qoomam dhalan donna.

 

Dhanka kale Tusaalaha haddaan, sii dhudhumo raacoh,

Qabyaaladda waxa dheefsadoo, dhaaxa raranaayey!

Oo Dabaq dhalaaliyo ku hella, Duunyo dhinac taallah!

Oo sida Horweyn Geel dhaqdoo, dhiilal ku haneeddah!

Oo Dhaxal mug weyn iyo dhitiyo, dheeman ka dhex raadsha!

Dhalintiyo ma dhaaddadda waxaa, seef iskugu dhiibey!

Oo dhankoodda ay Diin ka tahay, kunna dhaqaaleystah!

Dhamow kaama daahnee cidbaad, dhamac ku nooleyn,

oo dadyow dhoohanbaad rabtaa, iney dhug yeeshaaneh,

 

Waxa Dhawrto Dhaantadda ku ladhay, iima dhaadhicinneh,

Araweello wixii ay dhigtiyo, Raggay dhufaaneysey,

Iyo miyaan dheg-dheer Arliggu, kaba dhamaaneynin?

 

Hadduu Bahal ka dhaartoo Baraar, dhaqasho loo siiyo,

Dhami inu ku soo hoyn intuu, yoom dhan daba joogo,

Ninka taa u dhago taagayaa, wuu dhadhabayaaye,

Dhaxalkiisu meeshuu u dhurran, dhuuxa ka higgaaddi?

 

Baqashii Sanguhu dhaamiyuu, dhoorka kaga boodey,

Dhalaankiyo ilmihii dhashiyo, dhiiqda laga maalley,

Isna Jaalleh ii magac dhaboo, dhuuxa ka higgaaddi?

 

Wixii Doon la dhooree Baddaa, gabi dhacleynaayay,

Dhalinyaraddii saareyd malaa, dhoof umey soconneh,

Dhidaro dhalinta laayey Arliga, uga dhaqaaqeenneh,

Isna dhugo xaggiisoo warsame, dhuuxa ka higgaaddi?

 

Shaqalkiyo midkii dhoohannee, shibbanne dhaandhaansan,

Sheedaallin dheerriyo markaad, shiishka dhab u saarto,

Isna dhugo xaggiisoo warsame, dhuuxa ka higgaaddi?

 

sharcigan Tuugga Reerka u dhaca, Jeelka soo dhigaya,

Een  Qaranka kii dhacay mar qudha, tiisa lagu dhaaddin,

Misna Faraqqa Labbaddaa dhexyaal, iima dhaadhicinneh,

Iyagana bal dheehoo Warsame, Dhuuxa ka Higgaaddi?

 

Siddii Dacawga Aar dhaddacay, daba dhawaaqaayah,

Dhahdhahlahan ilaaqdiyo dulmiga, Guul ka dhiganaaya,

Ee kidinka loo dhigey inuu, dhiriq ka soo saydho,

Ee loogu Dhaar marey inuu, Abid ku dheel dheello,

Ma dhadhawa dhibkuu soo wade, dhabarku muuqdaaye,

Dhacdadiisu waxay daarantahay, iima dhaadhicinneh,

Isna dhugo xog-tiisoo Warsame, Dhuuxxa ka higgaaddi?

 

Afartaa wax lama dhalan-dhoolliyee, maw dhabacay xeesha’h,

Dhundhumaha xariirta ah si wacan, maw dhildhilo saaffey,

Ma Dhamballey siddii Dheemmantii, Dhagaxa jeexaysay.

Afar kalase aan biyo dhacee, Dhallinyarooy Eega,

 

Dhalinyahay Adaan kugu Ogaa, Garasho dheeraanneh,

Dhalinyahay dhankiiney Bulshaddu, dhabugu taamtaayeh,

Dhulka iyo Qurbaha kaad jirtaba, Dhalinyarooy toossah,

U dhug yeesha dhaqankiyo Murtiddu, Dhaxal gal weeyaaneh,

Iska dhawra Dhiiftiyo Jahligu, waa dhag-xumo weyneh,

Is dhacsiiya waligiin Tashiggu, waa dhitiyo Keydeh,

Is dhageysta idinkuu Cilmiggu, idin dhex yaalaayeh,

Iska dhigga dhamaantiin nacoo, dhaaffa Reer Hebelkah,

 

Dhug u yeesha Qayrkiyo dhiggiin, dhawra tamartooddah,

Ku dhadhaba dhulkiiniyo Gayiga, waad u dhaladteenneh,

Ka dhabara waxaan idin dhaqeyn, dhaabadna ka yeeshah,

Ka dhiidhiya Cadaawaha ku dhacay, dhiciya Taagtiinnah,

Ha is dhigganneh dhaayaha furoo, dhiirri adag yeeshah,

Isku dhigga inaad dhallin kartaan, Guullo lagu dhaadtoh,

Dhiga dhiga dhardhaarkiyo warmaha, Dhiibta Hadalkiinnah,

Ku dhirbaaxa tiisana nimaan, tiinna dhuganneynin,

Dhadhamiya wixii dhacay haddana, dhawra waxa yaallah,

Kun ku dhaca kolkaa Boqol dhantiin, waa u dhigantaanneh,

Waayeelka oon dhimman iney, Dhallintu xooggoowdoh,

Dhaayahaba kuwaan galin iyanna, Daahir ugu dhiibbah,

 

Dareenkiyo kaskiinnii ma dhiman, dhumucda weynaayeh,

Haddey dhamacdo waa lama huraan, dhubuqda yeedhaaye,

Dhukh dhukhdiisu yaanneey Ninnaba, Dhabbaha kaa leexin,

Nin Hunguri Han dhaafsadey Solluu, dhubuq yidhaahdaaye,

Gobanimo ku dhaadtoo midnimo, dhaarsan ka lahaadda,

Oo yaan Dabbin laguu dhigin hadhdhow, aad ku dhici doonto.

 

Exit mobile version