WAJAALE NEWS

Degmada Allaybaday oo la’ayd Xildhibankii Barlamanka ee ay doorteen, Ayaa imikana Baafinaysa Masuuliyiinta Degmada metesha ee Xukuumadda Madaxweyne Siilanyo

Degmada Allaybaday oo la’ayd Xildhibankii Barlamanka ee ay doorteen, Ayaa imikana Baafinaysa Masuuliyiinta Degmada metesha ee Xukuumadda Madaxweyne Siilanyo

Sida aad la wada socotaan Golihii Wakiillada Somaliland ee ugu horeeyay ee nidaamka Dimuqradiga ah ay dadku u soo doorteen 2005 tii, waxa ka sokow Sharciga ama Xeerka lagu dooranayay (electoral Act) oo u qornaa qaab ahaan mid cuntamaya oo ku dhawaan karaya heerka xeerarka ay nuxur ahaan isku midka yihiin iyo habka loo marayaba, ayaa dhanka kale waxa dhinac socday Hab ay Musharixiintii ay soo xusheenSaddexdii Xisbi Qaran ee u tartamaysay buuxinta kuraasta Aqalka Baarlamanka oo Xeerku ku qaybiyay saamiyo kala duwan 6 da Gobol ee Somaliland ay mar kaliya iskugu bedeleen nidaam Degmo, Tuulo, Qabiil ama Beeleed oo aan meelna kaga qornayn xeerkii lagu dooranayay, iyadoo uu musharax waliba kula tartamay oo kaliya Musharixiinta kale ee ay isku Reerka ama Degmada ahaayeen deegaankiisa si uu isagu u helo codkooda una noqdo Xildhibaankii meteli lahaa iyaga, iyadoo taasi laga arkayay sida intii tartamaysayba ay inta badan uga dhex ololaynayeen mid waliba Degmada iyo tuulooyinka uu reerkoodu deganaa, iyagoo mid kastaa balan qaadayay in uu wax badan ka qaban doono baahiyaha adeegyada bulshada ee dadka ku nool Deegaankiisa ama mar mar Magaalooyinka kale ee ku yaala Gobolka uu ka sharraxnaa ee uu ku tuhmo in uu si uun wax cod ah kaga heli karo.

 

Haddaba, Akhriste Degmada Allaybaday, waxay ka mid ahayd Degmooyinkii uu Codkoogu gooyay ama nasiibka u yeeshay inay yeeshaan Xildhibaan, waliba waxa ay dadku filayeen inay noqotay kuwa ugu nasiibka badan, waayo Xildhibaankii laga soo doortay Gobolka Hargeysa xeer ahaan, ama gaar ahaan Xildhibaankii u soo baxay Reer Allaybaday ama Degmada sida laga dhigay ee ay ahaydna  runtii ayaaba noqday Madaxweyne ku xigeenka/ Gudd.Ku xigeenka Golahii 82 ka Xidhibaan ee loo tartamayay, iyadoo dadka deegaanka Degmada Allaybaday iyo kuwa kaleba is lahaayeen way ka nasiib badan tahayoo, wax buu u tari doonaa ama ugu yaraan wuxuu u dabagali doonaa  baahiyahooda degmanimo sida lagu yaqaano Masuuliyiinta Xilkiisa oo kale qabata, laakiin waxa Reer Allaybaday ay ka murugoodeen markii nuurigiisaba ay waayeen xildhibaankoodii oo bilowgiiba dafiray ama muhmil galiyay codkoodii ay siiyeen isagoo ku cataabay aniga umadda Somaliland oo dhan baa I dooratay isaga oo waliba taa ku muujiyay sida uu dibba ugu eegi waayay iyagii isagoo marna ku dacwoon jiray in uu xilkiisu heer Qaran yahay oo aanu meteli Karin amaba u hadli Karin Degmo gaara taasoo ay xuquuq badan ku waayeen dadkiisu , ilayn waxqabad ba iska daayoo maalinna hay’ad ama wasaarad baa la geeyaa ama hoosba loogu tilmaamaa si ay naruuro u gashee, waxaana taa badalkeeda uu Guddoomiyuhu  uga faa’iideeyay Mansabkii uu ku helay Codka Degmada in uu ugu ololeeyo kuna difaaco Siyaasaddii Madaxwayne Axmad Siilaanyo, isagoo ahaa raggii uu xisbigii talada markaa hayay ee UDUB loodin kari wayay halgankooddii, arintaas oo Degmada Allaybaday seejisay xuquuqo badan oo ay dalka ku lahaayeen ama ka heli lahaayeenba dawlada sababtiisa awgeed muddadii siddeeda sano ahayd ee uu Reyaale talinayay, waxaana ay dadka deegaanka Allaybaday oo Xisbiga UDUB sababihii bilowgii ay ku naceen ay ka mid ahayd in uu ina Reyaale ku wacad furayXildhibaankii Baarlamankii hore ee Degmada Mudane Muxumed Aw Cabdi Ismaciil oo ka Sharaxnaa Xisbigii UDUB balse maalmihii liiska la soo dhajinayay ee u dambeysay uun la ogaaday in laga reebay, isaga oo dadwaynaha Degmadu aad u taageersanaayeen wax qabad kiisa,  Xantii waqtigaasina sheegaysay in uu Reyaale ku bedelay nin wuxuu noqon lahaa dhacay oo uu soo xulay nin aan magac wayn lahayn markaa waxtarkiisana aan aad loo aqoon xiligaa laakiin laftiisa aan odhon karo maanta wuu uga waxqabad badnaa dadka deegaanka isagoon xil toos ah oo muuqda hayn haddii  la barbar dhigo Xildhibaankii ay ku hungoobeen. In Madaxdu dad aan taageere wadan  ama aan la qiimeyn taageerada uu Masuulku ku dhex leeyahay deegankiisa xiliga aynu ku jirno ayaa ka mid ahayd qaladaadkii siyaasiga ahaa ee uu Reyaale Kursiga ku waayay, Madaxwayne Siilaanyo na ka faa’iiday markii rag badan oo Muxumed oo miidhana dadkoogana taageere ku dhex leh ay UDUB xumaysay ee ay isaga yimaadeen ee ay taageereen KULMIYE waxaana taa marag u ah maalintuu ku soo biirayay Muxumed Aw Cabdi Kulmiye, Siilaanyo wuxu yidhi Guushii Kulmiye intii ka dhinayd maantay timid Udub na way u dhamaatay, haddii….., isagoo aad u amaanay Madaxnimada iyo waxtarka Mudane Muxumed Aw cabdi Ismaciil, oo ku suntan in uu isagu keenay oo ku qanciyay markuu xubinta baarlamanka ah ahaa in Madaxwayne Cigaal Alle ha u naxariistee uu magacaabo Degmada Allaybaday oo uu doonayay in uu horumariyo balse aan qadarku ku simin oo waqtigu ka dhacay. Inkastoy qadar ahayd, hadana waxaan ka xumahay in ragga noocaas ah oo jooga dalka iyo Xisbiga Kulmiye gudihiisa oo meel kastuu joogo taageerada dadkiisa wata  uu maanta bilaa xil ahaado qaar aan garanayn Kursiga ay ku fadhiyaan cidda ay ku metelaana uu Degmada kuraasteedii u dhiibo nin ku danayso isle’uuni balse taariikhda ayaan u dhaafayaa in ay qori doonto qof kastaa waxa uu u qabto dadkiisa iyo dalkiisa.

 

Degmada Allaybaday, waxay la miyir laadahay in ay ilaa haatan garan la’dahay Masuuliyiintii heer Gobol iyo Qaran ee metelaysay Degmada saddexdii sano ee ugu dambeeyay ee ugu jiray Xukuumada Somaliland, waayo Allaybaday wali waxay laadahay wax wax u qabtaba oo suuli na ha noqotee u dhisa ama dhagax dhiga uun, sababtoo ah wali TV na  lagama daawan  tiiyoo sida dhulalka kale ay xadhiga ka jarayaan waxqabad, dhagax dhigayaan ama booqanayaanuun Masuuliyiin ka soo jeeda Degmadu, Allaybaday.  Halka tuulooyinka la jaar ah iyada balse aan hoos iman muddo walba mashaariic ay xadhiga ka jarayaan masuuliyiintooda heer gobol iyo heer qaranba ilaahay ha u siyaadiyee. Guntii iyo Gabagabadii Degmada Allaybaday waxay wali baafinaysaa haddii ay jiraan masuuliyiin ugu jira xukuumadda siilaanyo in ay isa soo caddeeyaan ka hor maalinta ay codka uun ugu yimaadda is leeyihiin,waxaana fiiro gaar ah iga ah in dadka deegaan kani doorashoba ay ka xanaaqayaan oo aanay tii Golaha Deegaanka ee u danbaysayba u soo bixin si ay u codeeyaan  oo lagu kari waayay, arintan oo ah mid sugan oo la soo taaban karo. !!!!

 

Khalid Cabdi Shiil

Exit mobile version