Kullan wada tashi ah, si xal loogu helo khalkhal dhaqaale(economic fluctuation) waa ficil xilkasnimo, taas waxaa ku amaanan Wasaaradda Maaliyadda, Baanka dhexe ee Somaliland, shirkadaha isgaadhsiinta ee lacagaha xawila iyo sariflayaasha Somaliland oo 19 April 2015 isla qaatay go’aan wada jir ah.
Si lacagta shillingka ee qiima dhacday kor loogu qaado, loogana baxo dhibaatada uu keenay isu sarifka Dollarka iyo shillingka (Foreign exchange rate) in lacagta Dollarka ah ee moobilka lagu qaato (Zaad iyo e-Dahab) loo beddalo Shilling Somaliland waxay ahayd natiijadda kullankaas.
Waa tallaabo maaliyad siyaasadeed (Monetory Policy), maqaalkana waxa uu daaran yahay is beddelkaa iyo saameyntiisa.
Lacag waa wallax kasta oo la isla qaato inay noqoto mid wax lagu kala beddasho, laakiin waxaa soo daabaca lacagtaa keliya cidda awoodda u leh.
Is beddelka
Halkii fariinta Zaad ama e-Dahab ka ahayd ‘’Waxaad $10 ka heshay/dirtay hebel hebel, hadhaagaaguna waa $10’’ is beddelkani wuxuu ka dhigayaa ’’100,000 Sl Shilling ayaad ka heshay/u dirtay hebel hebel, hadhaagaaguna waa 100,000 SL Shilling’’
Waa is beddel baaxad leh, marka hore waa in lacagtii Dolarka ahayd ee Zaad ama e-Dahab ku jirtay iyadoo waraaqo (notes) ah dadka loo soo celiyaa, taas oo keenaysa in Dollarku suuqa harqiyo, taa beddelkeedda waa in lacagta kaashka ah ee Shilling Somaliland ka ah dadku shirkadaha u geeyaan si iyadoo goddad tirooyin(digit Numbers) ah moobilada loogu shubo, waa laga yaabaa in hab kale is beddelkani u dhaco.
Faaiidada iyo ceebaha isbeddelka :
Faa’iidada ugu weyn ee is beddelkan waa isticmaalka lacagta Shilling ka oo bata, taas oo soo noolayn karta in xaddi yar oo SL Shilling ahi wax fiican inoo gooyo, islamarkaana awoodda wax iibsi (purchasing power) ee shacabku kor u kacdo, waa se xoogsatada maalinleyda iyo intii mushaharka kaash ahaan ku qaadata cida faa’iday.
waddan adeegaa horumarineed la jaan qaaday oo lacagtiisa u adeegsanaya hab casri ah waa faa’iido kale.
Wallow ay faa’idadaasi jirto, dhanka kale waxaad moodaa in aan burka bahal ba laga dayin ee la yidhi uun ‘’inaad Go’aan qaldan qaadataa waxay dhaantaa inaad go’aan ba qaadan weydo’. Waa maxay saameynta taban ee is beddelkani?
- Marka hore lacagta SL SHillinka ah ee Baanka dhexe ku saxeexan yahay waxay ka mid tahay hantida lama taabtaanka ah ee ka dhaxaysa umadda Jam. Somaliland, taas oo shacabku isla qaateen inay noqoto mid u gaar ah oo ka duwan lacagaha adduunka jira, sida callanka ayaa lagu gartaa waddanka.Daabacaaddeeda, Ilaalinteeda iyo maamulkeedaba waxaa u xilsaaran Bangiga dhexe. Sidaa darteed in shirkado gaar loo leeyahay maamulkeeda qayb ka mid ah loo gacan geliyo umadda waa ku gef dawladana waa u karaama dhac iyo awood iska wareejin.
- Jeebka dadka oo la faaruqiyay: Marka lacagtii kaashka ahayd hawada lagu shubo. Miyiga iyo qolooyinkaa aanteenadu aanay gaadhin ama mobiladooda dab(charge) u helin marka laga yimaad kuwan magaalada jooga haddii lacagtii aanay jeebka ku sidan badankoodu, haddii hawadu hal maalin in yar khalkhal galo, lacagtiina dirmi waydo waxaa hubaal ah in kala badh wax kala iibsigii is taagayo, ilayn waa dad hawada ku faruur xidhane, dhib badanina ay soo waajahayso.
- Sicirbararka oo sii bata. Haddii habkani hir galo, maadaama dadka badankoodu kaash wax ku iibsadaan, Waxaa badan doona wareegga lacagta (money circulation), tusaale ahaan halkii ninka dukaanlaha ahi 5,OOO EE SL SHillingka ah ee saaka soo gala ay ahayd inuu makhalka ku rido, ka dibna markuu caawa lacagta isu geeyo berri bakhaarka u geyn lahaa, markay iyadoo Zaad ama e-Dahab ah soo gasho waxaa laga yaabaa in uu isna xaaskiisii u diro, iyaduna inankeedii iskuulka tagay nusasaace ahaan uga ga daba dirto, ardaygaasina macmacaanlaha iskuulka u diro, macmacaanluhuna kii bakhaarka u diro, kii bakhaarkuna….. sii wad adigu. Waa gelinkii hore oo kaliya intay lacagtii waxaa oo wareeg ah samaysay. Wareeggaa lacagta ee batay wuu ka dhigaa sidii oo suuqa lacag badani taallo, taas oo iyana keenta sicirbarar ka badan kii hore u jiray.
Guntii iyo gebgebadii is beddelkani wuxuu u muuqdaa tallaabo hore loo qaaday balse saameyn khatar ah yeelan karta. Fikirkayga waxa aan qabaa in sidaa ay hadda tahay lagu daayo. Sida roon rabi ha ina waafajiyo.
Wa billaahi tawfiiq.
Qallinkii Maxamed Cabdi Calihayaan
Jaamacadda Hageysa, Kulliyadda Dhaqaalaha.