WAJAALE NEWS

Daawo Video: Cuqaal iyo Waxgaradka Beel ka mid ah Beelaha Galbeedka Burco oo Xukuumada iyo Hay?adda Shiidaal Baadhista Baaq u Diray Sheegayna Inaan Waxba Laga Qaban Karin Degankooda Iyadoon La Soo Marin.

In ilaa hadda aan la ogeyn lana cadayn deraasadna laga soo bandhigin khasaaraha iyo dhibaatada uu keeni karo mashruucani, suurta galna aanay ahayn in lagu khamaaro nolosha, Jiritaanka iyo degenaashaha boqolaal kun oo qof oo muwaadiniin ah.

 

Burco(WJN)Xubno ka mid ah Salaadiinta, Cuqaasha, Iyo Waxgaradka Beel ka mid ah beelaha galbeedka burco ayaa maanta shir jaraaid oo ay ku qabteen hotel gollis ee magalada burco  baaq kulul ugu diray xukuumada kana hadlay haay?adda baadhista shiidaalka ka wadda deegamada hawdka burco sida: banka aroori, ballida qoolal, togga burco, iyo gubaddo iyo weliba deegaano kale oo tiro badan.

Ugu Horaynba waxa shirkaasi jaraaid Bayaan ka Kooban Afar qodob ka akhriyay Ducaale Cabdi Aw Xirsi Waxaanuu yidhi sidan:

1: In aan

la sahamin Karin, lana baadhi Karin hawlana laga fulin Karin deegaanada ay degto beesha Reer Xuseen ee aan kor ku xusnay.

2: In ilaa hadda aan la ogeyn lana cadayn deraasadna laga soo bandhigin khasaaraha iyo dhibaatada uu keeni karo mashruucani, suurta galna aanay ahayn in lagu khamaaro nolosha, Jiritaanka iyo degenaashaha boqolaal kun oo qof oo muwaadiniin ah.

3: In aan xukuumada Somaliland iyo golayaasheedu aanay ilaa hadda wax damaanad ah oo ku wajahan dhibta , khasaaraha iyo barakaca laga dhaxli karo mashuuran aanay keenin, gabeena masuuliyaddii ka saarneyd dalka dadka.

4: In hadii arintaa si degdeg ah loo joojin waayo ay keeni doonto cawaaqib xumo intaa ka badan, masuuliyadeedana ay qaadi doonto cida faraha kula jirtaa?

Sidoo kale waxa iyaguna shirkaasi ka hadlay Cuqaal  uu ka mida ahaa Chief Caaqil Cabdi Cumer Aw Diiriye,siyaasiin ka tirsan xisbiga wadani  iyo Waxgarad kale oo aad u tiro badan waxaanay dhamaantod ku dheradeen howlaha shidaal baadhis ee ay shirkadaasi ka wado degaankaasi iyago xusay inanay aqblayn in cid aan beesha waxgardkeeda iyo dadka deegaanka midna soo marin aanay wax hawlo ah ka fulin Karin deeganada ay beeshu degto, waxay kalo carrabka ku adkeeyeen inaanay ka soo hor jeedin khayraadka dalka laga soo saarayo balse ay tahay in degaan walba cidda degtaa taladeeda leedahay.

Ugu danbayntii shirkani jaraa-id ee ay manta qabteen cuqaasha iyo waxgaradka beesha reer xuseen ayaa ku soo beegmaya xilli mudooyinkii u danbeeyey qaar ka mida beelaha dega gobolka togdheer ay saluug badan ka muujinayeen  hawlaha shaqo ee ay wado shirkada shidaalka ka badhaysa gobolada bariga Somaliland.

WAJAALE NEWS BURCO

BURCO OFFICE

Exit mobile version