WAJAALE NEWS

Ciidamada Booliska Somaliland Oo La Wareegay Deegaamadii Ay Dirirtu Shalay Ku Dhex Martay Laba Beelood

Hargaysa(Wajaale News)Ciidamada amaanka Somaliland ayaa si adag kacanta ugu qabtay islamarkaan isku balaadhiyey deegaanadii ka tirsanaa bariga Somaliland ee ay ku dagaalamayeen laba ardaa oo walaalo ah oo isku deegaan ah iyadoo dhanka kalen ay gaadheen wufuud ka tirsan dawlada iyo ergooyinka madax dhaqameedka Somaliland.

Warkaanu ka helayno degaanka god-heeli oo udhaxeeya degmooyinka oog iyo gar-adag oo shalay ku dagaalameen dad reer guura oo isku deegaan ah kuna dhinteen 4ruu kuna dhaawac

meen 9ruux oo kale ayaa waxa goor hore oo subax nimadii saaka ah gaadhay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland iyag oo dhamaanba la wareegay deegaanka iska hor yimaadku ka dhacay baadhitaana laga wado sid ay waxa udhaceen.
Badhasaabka gobolka sanaag Axmed Maxamed Geele iyo wafti balaadhan oo horkacayo ayaa socdaal dag dag ah ku gaadhay goobtaasi xili yar ka hor iyad oo goobtaasi ku began yihii wafti heer qaran oo nabadee oo hogaaminayo wasiirka wasaarada arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade.
>Waftigan baladhan ayaa xalay ka guureyey caasimada hargaysa kuwaas oo ay hakiyeen daadadkii ka dhashay roob laxaadleh oo xalay ka da,aye galbeedka Somaliland oo kusoo rogmaday dooxyada waawayn ee udhaxeeya hargaysa iyo Barbara.

waftigan oo u badan salaadin oo goor dambe oo xalay ku guulayy magaalada burco ku waas oo gadhay goobtii dhibaaatadu ka dhacday ee god heeli

xaalada deeganka shalay dhibaatadu ka dhacday ayaa ilaa hada dagan iyada oo warkii ugu horey eyay ee ka soo baxa xaalada deeganla shalay

dhibaatadu ka dhacday ilaa haatan wararkii ugu horeeyay sheegayaan in labada beelood aqbaleen dhexdhexaadinta ergooyinka halkaasi ku sii qulqulaya
Wajaale News

Office Hargaisa /Somaliland

Exit mobile version