“Wixii la arko inaanay diyaar u ahayn inay shuruudahaa buuxiyaan oo ay ka soo baxaan ee ganacsi uun u furan, runtii waa la xidhayaa sida taas immika la xidhay oo kale….” Wasiir Samsam Cabdi Aadan
Hargeysa(wajaalenews):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa shaaca ka qaadday inay xidheen Jaamacadda Fair-Land oo ah Jaamacaddii u horraysay ee ka soo bixi wayda qiimayn ay Guddi loo magacaabay qiimaynta Tayada Tacliinta dalka ku samaynayso Jaamacadaha, taasoo ay Wasiirku sheegtay inay dhiganayeen laba boqol iyo lix (206) Arday.
Wasiir Samsam oo shalay u warrantay Barnaamijka Waxbarashada ee Idaacadda BBC-da Laanteeda Af-Soomaaliga ka baxa maalitna Salaasada, ayaa sheegtay inay Jaamacaddaasi ku dhacday qiimayn ay sameeyeen Guddiga qiimaynta Tayada Tacliinta sare ee Somaliland, waxaanay Wasiirku tilmaantay in Jaamacaddaa Ardaydii dhiganaysay u wareejiyeen Jaamacadda Hargeysa.
Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam, waxay sheegtay inaanay doonaynin in Jaamacadaha la xidho, hase ahaatee, ay wadaan in la tayeeyo tayada waxbarashada Jaamacadaha dalka, loona tilmaamo shuruudaha ka dhiman ee mudan inay buuxiyaan, isla markaana Jaamacadda buuxin wayda shuruudaha laga rabo marka la tilmaamo ka dib, ay u aqoonsanayaan inay Ganacsi u furan tahay, ka dibna albaabbada loo laabi doono sida Jaamacadda Fair-land oo kale.
Waxa Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland ugu horreyn la weydiiyey su’aal ku saabsan Guddiga qiimaynta Jaamacadaha oo muddo sannad ah shaqaynayey iyo waxa qiimayntooda uga soo baxay, waxay ku jawaabtay; “Runtii waannu wadnaa dib-u-haybtii, oo Komishan dhan baa loo sameeyey dib-u-haybtaa. Runtii deg-deg looma xidhi karo Jaamacadahan oo waxa weeyaan waxaynu ku caano-maalnay, oo waxa ka dhacaya hareereheenna ee is-qarxinta iyo waxa la midka ah waa dhalinyaro inay Iskuulladii iyo waxbarashadoodi ka xumaatay, dabeedna meelo kale fursad u helay inay meelo kale ku biiraan. Laakiin, Annaga nasiib-wanaag Somaliland intaaba Jaamacada ayuun bay ardaydu dhigan jirtay, markaa lama eegi jirin tayada waxbarashada ee waxa la eegi jiray inay ardaydu wax baranayaan.”
Wasiir Samsam waxay intaa sii raacisay oo ay tidhi; “Markaa, immika ayaa la soo gaadhay wakhtigi aynu eegno tayadii waxbarashada hadday tahay Jaamacadaha iyo Dugsiyada tahay-ba. Markaa, immika Jaamacaddii u horraysay baannu xidhnay oo 206 Arday oo dhiganayna loo wareejiyey Jaamacadda Hargeysa.”
Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo la weydiiyey magaca Jaamacaddaas iyo sababta loo xidhay inay la xidhiidho qiimaynta ay Guddiga qiimaynta Jaamacadaha loo magacaabay samaysay, ayaa ku jawaabtay; “Haa qiimayntii bay ku hadheen, muddo immika dhawr bilood ahna waxa la waday in dhalinyaradii dhiganaysay loo helo meelihii ay geli lahaayeen iyo Jaamacaddii ay dhigan lahaayeen, waayo mudday Jaamaadda soo dhiganayeen oo ay lacag soo bixinayeen, markaa lama odhan karo Jaamacaddiinnii waa la xidhay ee bannaanka iska taga.”
“Markaa, muddo ayaa waxa socday wadahadallo Jaamacadda qaadan karta, Xiisadaha ay dhigtaan iyo waxyaabaha la isu eegayey. Dabadeedna, immika ayaannu ku guulaysannay in la xidho Ardaydiina loo wareejiyo Jaamacadda Hargeysa. Jaamacaddaa waxa la yidhaahdaa Fairland.” Sidaa ayey tidhi Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan.
Mar Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Samsam Cabdi Aadan la weydiiyey inay Jaamacadaha kale ee furani buuxiyeen shuruudihii laga rabay oo ay ku soo baxeen qiimaynta iyo in kale, waxay ku jawaabtay;
“Qiimaynti way socotaa, waxay u socotaa, runtii kumaannaan talo-gelin inaannu Jaamacadaha xidhno ee waa intayadooda la hagaajiyo, waayo intaas oo sano ayey shaqaynayeen, Arday badan baa ka soo baxday oo qaarkood Wasaaraddayada ka shaqeeyaan. Markaa, niyad-jab laguma ridayo dadka ee waxa la doonayaa in la hagaajiyo, maaddaama oo immika la sameeyey Guddiga tacliinta sare (Komishan), in wixii ka dhiman ay hagaajiyaan Jaamacaduhu oo loo sheego. Dabadeedna, immika muddaa la eegayaa ciddii hagaajisa ee ka soo baxda ee diyaar u ah ee dhammaysa shuruudahaa lagu xidhay, Shahaadaa la siinayaa.”
“Waayo? Immika Shahaadooyin ku-meel-gaadh ah bay wada-haystaan, waxaa markay shuruudahaa buuxiyaan la siin doonaa shahaadooyin rasmi ah. Wixii la arko inaanay diyaar u ahayn inay shuruudahaa buuxiyaan oo ay ka soo baxaan ee ganacsi uun u furan, runtii waa la xidhayaa sida taas immika la xidhay oo kale.” Sidaa ayey tidhi Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan.
wajaalenews.com
Hargeysa/Somaliland.