WAJAALE NEWS

Shirkada Microsoft Oo Lagu Ee Deeyey Inay U Basaasto Sirdoonka Mareynkanka

Shirkada Microsoft Oo Lagu Ee Deeyey Inay U Basaasto Sirdoonka Mareynkanka

 

Jariirada The Guardian oo xiriir toos ah laleh Edward Snowden ahna jariiradii faafisay xogta uu kashifey sarkaalkaasi, ayaa soo daabacday maanta qoraal horleh oo looga hadlayo habka shirkada Microsoft oo barnamaajiyadeeda dad badan adeegsadaan…………..

Hargeysa(Wajnews) Shirkada weyn ee Microsoft ee soo saarta Barnaamijyada computerada iyo qalabka isgaarsiinta internetka ayaa la sheegay inay xiriir wadashaqeyn uu ka dhaxeeyo sirdoonka Maraykanka gaar ahaan hay´ada nabad sugida Maraykanka ee NSA.
Warkan ayaa waxaa markale banaanka soo dhigay sarkaalka baxsadka ah ee Edward Snowdan oo todobaadyadii lasoo dhaafay soo saarayey warbixino lagu shaacinayo hawlaha xog aruurinta ay wadaan sirdoonka Maraykanka.
Jariirada The Guardian oo xiriir toos ah laleh Edward Snowden ahna jariiradii faafisay xogta uu kashifey sarkaalkaasi, ayaa soo daabacday maanta qoraal horleh oo looga hadlayo habka shirkada Microsoft oo barnamaajiyadeeda dad badan adeegsadaan in ay si toos ah xogta shacabka ugu gudbiso Hay´ada Nabad Sugida Maraykanka ee NSA.
Barnaamijka Emailada ee OUTLOOK iyo barnaamijka SKYPE ayaa kamid ah xogta dadka iyagoo ogeyn laga duubo xiriirka ay ku sameeyaan sida emailada iyo video-calls/ka Skype oo la sheegay Sirdoonka Maraykanka inay si qarsoodi ah uga duubi karaan dadka isticmaala aaladahaasi.
Fadeexadan ayaa sii socota xili sirtii uu bixiyey Edward Snowden ay xiisado u dhex dhigtay wadamo badan oo caalamka ah oo ku baraarugay baaxada xogta sirdoonka Maraykanka ay ka aruuriyaan dadka shacabka ah ee daafaha dunnida ku nool iyo waliba dowladaha xiriirka dhaw lalahe Maraykanka sida Midowga Yurub oo laftooda la sheegay in sirtooda Maraykanka uu heli jiray.
Shirkada Microsoft ayaa xaqiijisay inay xog badan oo macaamiisheeda ah u gudbisay sirdoonka Maraykanka, balse waxay shirkada ku tilmaamtay kuwo kooban oo aan aad u badneyn, kadib markii sidaa dowlada Maraykanka ka codsatay.
Arrintan ayaa muujineysa in dadka qoraalada iyo xiriirka ay kuwada sameeyaan internetka si qarsoodi ah loola socdo, isla markaana shirkadaha waaweyn sida Microsoft ay si toos ah ulla shaqeeyaan sirdoonka iyo nabadsugida Maraykanka. 
Wajaale  Desk News 
 
Wajaale  OFFice

Exit mobile version