WAJAALE NEWS

MAXAY HIIRTAANYO QABAN: Waa Hees uu Sammeeyey Abwaanka Da’da yar ee Mujaahid Cabdi Muxumed Yuusuf (Cabdi Madoobe ) waana Hees Cusub oo uu Abwaanku dhawaan sammeeyey.

cabdi yare(1)

 

 

 

 

 

 

 

Hanfada anigaa noqdee

Horeba waa tii la yidhi

Hubsiimo la’aan naftaa

Haydaar dheer ka ridoo

Halista kama baaqatee

Hoheey Anigaa deg degay

Humaag baa ii baxoo

Hilaac beenaan arkoo

Anaa Hogol aan da’ayn

Horseed li’I geedigii

Hayaankaygii ku raray

Hodmaye hadal iyo dhammaan

Maxay hiirtaanyo qaban

Hagaagii Anaa nacoo

Hareer maray waanadii

Had iyo goor la I lahaa

Hankaygiyo garashadii

Wuxuu I hogaamiyaba

Habeen qudha kama fikirin

Hantaaqaad kala kulmiye

Wixii iga gaadhay hawl

Haduunbaan garanayaa

Habaw soconaayo’oo

Halawsan in aan ahaa

Runtiina hortayda timid

Ha yeeshee waxa la yidhi

Hidiyo dhaqankeenii hore

Hadhuub caanaha la dhacay

Hanbada dabadeed la qabay

Halmaan hadal kuma jiree

Wuxuu hamigaygu yahay

Habsami socodkii khaldamay

Hadeerto in aan saxoon

Horwayntaydii ku furo

Hir doogliyo  hadhac qabaw.

Waa Gaaxdii iyo Midhihii Abwaan Muhaaid Cabdi Muxumed Yuusuf (Cabdi Madoobe )

 

Exit mobile version