Waxa ay Odayaashu Madaxwaynha u gudbiyeen Tabashooyinka ah in aanay helin Saamigii dhinaca Kuraasta Xukuumada arintaana uu Madaxwaynuhu ka garaabay Guddina u saaray…….
Hargeysa (Wajaale News)- Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxemed Siilaanyo ayaa Caawa Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay Odayaasha Dan iyo Duco ee Gobolka Saaxil. Kulankan oo ahaa mid la isku xog waraysanayay ayaa ahaa mid ay Albaabadu u xidhan yihiin isla markaana ay ka maqnaayeen Siyaasiyiinta Dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolka Saaxil. Ka maqnaanshiyahooda ayaa yimid ka dib markii ay Odayaashu codsadeen in xaruntii uu kulanku ka dhacayay laga saaro Siyaasiyiintaasi.
Kulankan ay labada dhinac wada qaateen oo ay ku lammaanayd Casuumad Afur ah oo Madaxwaynuhu u fidiyay odayaasha ayaa ujeedadiisu ahayd sidii ay odayaashu Madaxwaynaha ugu gudbin lahaayeen Tabashooyin is biirsaday oo ay in Muddo ahba qabeen, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen, Beesha oo aan helin Saamigii ay Beel ahaan ka heli lahaayeen Xukuumada Somaliland iyo Adeegyadii Bulshada ee Magaalada Berbera oo aad u liita.
Ilaa imika ma jiro war rasmi ah oo ay Xukuumadu arintaasi ka soo saartay, hasa yeeshee, ilo Xogogaal ah oo arintaasi u dhuun daloola ayaa Shabakada Wararka ee Wajaale News u sheegay in ay Odayaashu tabashadood u gudbiyeen Madaxwaynaha, Madaxwaynuhuna uu arintaasi ka garaabay isla markaana u balan qaaday in uu si dhakhso ah wax uga qaban doono. Sida ay ILa-wareedyadni noo sheegeen, Odayaasha Dan iyo Duco waxa ay Madaxwaynaha u sheegeen in aan beeshooda la siinin Saamigii ah xaq u lahaayeen, Xukuumadana ay ku leeyihiin Hal Wasiir oo kaliya. Halka Xukuumadii hore ee Daahir Rayaale ay lahaayeen Wasiiro badan iyo Agaasimayaal guud intaana ay u dheerayd Madaxwayne ku Xigeenkii Dalka. Sidoo kale, Odayaashu waxa ay Madaxwaynaha u sheegeen in Magaalada Berbera ay ka jirto dhibaato balaadhan oo Biyo la’aan iyo Laydh la’aana iyada oo Madaxwaynuhu uu arintaasi ka garaabay isla markaana u balan qaaday in uu sida ugu dhakhsiyaha badan uu wax uga qaban doono. Sida la sheegayo waxa isla shirkaasi la sikula gartay in arintaasi loo saaro Guddi ka kooban labada dhinac.
Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in kulankan Madaxwaynaha ay ku Wehelinaysay Marwadiisa(Marwada 1aad ee Dalka ), Marwo Aamina Xaaji Maxamuud Jirde (Aamina Waris) Guddida Odayaashuna ay ka koobnaayeen Toban Oday.
Wixii warar ah ee arintaasi ka soo kordha kala soco, Shabakada Wararka ee Wajaale News oo mar walba heegan ugu jirta sidii ay Xogtii u dambaysay ay akhristayaasheeda ugu soo gudbin lahayd.
Wajaale News Desk
Hargeysa / Somaliland