WAJAALE NEWS

Haweenay Xiisad Yaab Leh Ka Dhex Abuurtay Dalalka Norwey Iyo Imaaraadka Carabta Oo Laga Sii Daayay Xabsi Ku Yaalla Imaaradda Dubai

 

(Wajaalenews) Wednesday, July 24, 2013
Wajaale-(WJN)-Haweenaydan ayaa lagu soo waramayaa inay sheegtay in uu kufsaday nin ay wada shaqeyn jireen,

 

 
 
Wajaale-(WJN)-Dawlada Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa Jeelka ka sii daysay haweenay u dhalatay wadanka Norway oo lagu magacaaho Marte Dalelv, oo 24  jir ah, oo xiisad xoog leh ka dhex abuurtay dalalka Norwey Iyo Imaaraadka Carabta.

Haweenaydan ayaa lagu soo waramayaa inay sheegtay in uu kufsaday nin ay wada shaqeyn jireen,  balse markii ay gabadhani u tagtay ee ay ku wargelisay ciidamada amaanka ee Imaaraadka in la kufsaday ayay boolisku isla markiiba xabsiga u taxaabeen iyaga oo ku eedeeyay inay gogol dhaaf samaysay

MaxkamadaImaaradda Dubai, ayaa si deg degleh haweenaydan ugu riday xukun ah 16 bilood oo xabsi ah, arrintan oo ka yaabisay haweenaydan oo iyadu sheegaysay in la kufsaday, dhacdadan ayaa xiisad ka dhex abuurtay wadamada reer Gableedka iyo maamulka Imaaraadka.

Haweenaydan ayaa qaylo dhaan ay warbaahinta caalamiga u sii marisay wadankeeda iyo hay?adaha u dagaalama xaquuqul insaanka ayaa ku guuleysatay in cadaadis lagu saaro maamulka Imaaraadka Carabta inuu dib uga noqdo xukunkii lagu riday haweenaydaasi.

Dawlada Imaaraadka ayaa baasaboorkeeda dib u siiyey haweenaydan oo loo ogolaaday in ay dalkeeda Norway dib ugu noqoto, waxay sidoo kale sheegeen in haweenaydan laga cafiyey xukunkii xabsiga ahaa ee lagu riday.

 

 

WAJAALE NEWS DESK

Wajaale Office

Exit mobile version