WAJAALE NEWS

Guurtida iyo Hargeysa Oo Kayaabey Shahaado Uu Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Guurtidu Magaca Guurtida Ku Gudoonsiiyay Wasiirka Madaxtooyada

Hargeysa(WJN)-Inta ugu badan ee Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland iyo Bulshada kunool Magaalooyinka Waaweyn ee Somaliland gaar ahaana Caasimada Hargeysa ayaa fajac iyo amakaag

Hargeysa(WJN)-Intaugu badan ee Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland iyo Bulshada kunoolMagaalooyinka Waaweyn ee Somaliland gaar ahaana Caasimada Hargeysa ayaa fajaciyo amakaag ka qaadey kadib markii Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee GolahaSomaliland Siciid Jaamac Cali uu Shahaado Gudoonsiiyay Arimaha nabadeynta lagusuntey Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan taas, oo wax lalayaabo ay ku tilmaameen qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida oo wakhtigankujira fasixii Golaha.

Xubno katirsan Golaha Guurtida Somaliland oo Shabakada Wararka Hadhwanaagnews wax kaweydiisey arintan ayaa, sheegay in ay kaga jawaabayaan Shir Jaraa,id oo ay kukulmi doonaan Xildhibaano door ahi iyagoo ka Cudurdaartey in ay hada si cad uxusaan Magacyadooda, Waxaanay Xildhibaanadaasi sheegeen in uu Goluhu kujiroFasax wakhti
xaadirkan islamarkaana, aanu xaq u laheyn Gudoomiye KuxigeenkaKoowaad ee Golaha Guurtidu in uu Magaca Golaha Guurtida Shahaado kugudoonsiiyaan Wasiir katirsan Golaha Wasiirada iyadoo, lagu suntey arimonabadeyn ah oo Gobolada bari taas, oo aan la ogeyn meelo uu nabad kasoosameeyay Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan,marka laga reebo socdaal uu dhawaan kaga hortagey kooxo kasoo baxey Khaatumo ooiyagu go,aansadey in ay Somaliland ayidaan,waxaana la Sheegay in aanu xaq ulaheyn Gudida joogtada ah oo fadhiista mooyaane in uu Gudoomiye KuxigeenkuMagaca Golaha Kubixiyo, inkastoo Xildhibaanada qaar hoosta kaga xariiqeenarintan ciyi celintii Socdaalkii Turkiga ee Wasiir Xirsi ka Qeyb galiyay.

WasiirkaMadaxtooyada ayaa inta badan lagu xantaa in Awoodaha faraha badan ee uuadeegsado ee dhinaca Xukuumada Gudaheeda ah uu kalsooni kaga haysto,Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, waxaanayarintan oo xaley ka dhacdey Huteelka Ambasador ee Magaalada Hargeysi noqoteymid ay wadajir ula yaabeen Xubnaha Golaha Guurtida ah ee sida saxda ah ufikiraya iyo Bulshada inteeda badan.

Waanamarkii Koowaad ee Taariikhda soo marta ee Golaha Guurtidu bixiyo Shahaado LaguMaamuusayo Wassiir Xukuumada katirsan

 

WariyeC/raxmaan Nuux Axmed(hiiraan)

Exit mobile version