WAJAALE NEWS

Golaha Toosinta iyo Wada Tashiga Somaliland Oo U Qabsoomay 48 Suldaan Oo Caawa Ergo Ugu Tagay iyo Waxyaabaha Uu Golahoodu Ka Dashay Oo Ergadu U Dhag Raaricisay

Hargeysa (WJN) – Ku Dhawaad 48 Suldaan Oo reer Somaliland ayaa caawa kulankii ugu horeeyay la yeeshay Siyaasiyiintii dhawaan ku dhawaaqay Golaha Toosinta iyo wadatashiga.

 

Kulankan oo afurkii ka dib ka qabsoomay Hoteel Ambasador ee Magaaladda Hargeysa ayaa waxa ay labadda dhinac isla af garteen qodobo door ah.

Sida aanu ka soo xiganay ilo wareedyo ka ag dhawaa halka uu shirku ka dhacayay ayaa waxa ay sheegayaan in  Guddoomiyaha Golaha Toosinta iyo Wadatashiga

Mujaahid Xasan Guure Jaamac oo furay shirku uu sheegay in ay soo dhaweynayaan ergadda madax dhaqameedka Reer Somaliland.

?Dhalinyaradda tahriibaysa oo aanu waraysanay ayaa waxa ay nagu yidhaahdeen Anagu dhaqaale la?aan kama cararayno laakiin waxa aanu dalka uga baxaynaa waxa uu yahay ka dib markii aanu imtixaanka u galno shaqooyinka waxa nalaga horeysiinayaa kii uu Wasiirku watay? ayuu yidhi Xasan Guure jaamac oo ergadda sulaadiinta ah hogatusaalaynayay waxyaabaha Golaha Toosinta iyo wada tashiga loo sameeyay.

Dhinaca kale  Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, waxa uu marka hore si aad ah u soo dhaweeyay Ergadda Madax dhaqameedka, waxaanu sheegay in ay soo dhaweynayaan una qabsoomayaan.

Mujaahid Xasan Ciise Jaamac waxa uu balanqaaday in golahoodu uu u hogaansamayo ergada Sulaadiinta Somaliland, waxaanu xusay in arrimaha loo baahan yahay in wax laga qabto ay ugu badan tahay cadaaladda oo buu yidhi hog madoow ku sii dhacaysa.

Xassan Ciise Jaamac waxa uu balanqaaday ay dhinacooda dalka wax ka ilaalin doonaan isla markaana aanay ogolaan doonin in jiilkan cusub ee reer Somaliland u soo kacayaa ay maraan halkii ay 1982-kii mareen ?Ma ogolaan doono in dalka Somaliland dhalinyaradiisu ay maraan jidkii xumaa ee jabhadaynta ahaa, waxaanan balanqaadaynaa in aanu idiin hogaansano? ayuu yidhi Xasan Ciise Jaamac.

Ergadda madax dhaqameedka reer Somaliland oo iyaguna dhinacooda la hadlay ayaa uga mahad celiyay sida fiican ee ay ergada uga ogolaadeen.

Waxaanay kula dardaarmeen in ay joojiyaan hadaladda ay warbaahinta isu marinayaan iyaga oo ku kala tagay in ay ka war sugaan.

Madax-dhaqameedkan is xilqaamay ayaa u balansan in ay kulankooda labaad la yeeshaan dhinaca xukuumadda.

 

Yuusuf Jaamac Xirsi

wajaale news Editor

Exit mobile version