WAJAALE NEWS

Dhaqdhaqaaq Xiisadeed oo Kataagan Ceelasha Biyaha Geedeeble iyo Ciidan la geeyey

Hargeysa (Wajaale News)- Xiisad kacdoon Dadweyne ah ayaa, la sheegay in ay ka taagan tahey Deegaanka Ceelash oo ah meesha ay  Biyuhu uga Yimaadaan Magaalada Hargeysa ee Geedeeble, kadib markii ay beesha Deegaankaasi ka gadoodey balanqaad Madexweynaha Somaliland uu u sameeyay oo ka suurta gali waayey dhinaca Madaxtooyada.

 

Sida ay Wararku sheegayaan Xiisad kacdoon dadweyne ah ayaa ka jirta ilaa galinkii dambe, ee maanta taas oo markii la ogaadey ay Xukuumadu

Geysay Ciidamo ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliland oo gaadhey galinkii dambe ee Maanta Ceelasha Biyaha Geedeeble ee Biyihu uga

yimaadaan Magaala madaxda Hargeysa, Waxaanay Ciidamdaasi isku xeereen sida la sheegay Kadinada Gaadiidku kasoo galo Ceelasha Biyaha Geedeeble.

 

Ilaa iyo hada ma jiraan wax dhibaato ah oo laga Soo sheegay Deegaankaasi,  haseyeeshe, sida ay ilo xog ogaal ahi daaha ka rogeen

Waxa kacdoonkani Shacbiga Deegaanka Geedeeble ku yimid ka dib markii sida ay wararku Sheegeen dhawaan Madexweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) uu u balanqaadey Beesha Deegaankaasi in uu ka badelayo Maareeyaha Wakaalada Biyaha ee xiligan taas, oo markii ay dhawaan soo baxdey Digreetada Isku bedelka Agaasimyaasha iyo Xillakii la Magacaabay, uu Wasiirka Madaxtooyadu ka reebay Maareeyaha Wakaalada Biyaha oo la filayay in Xilka laga Qaado haseyeeshee, taa badelkeedii

lagu badelay Maareeye Kuxigeenkiisii, iyadoo sida la sheegeyna Beeshaasi ay filayeen in Xilkaa loo Magacaabo nin ka soo Jeeda

Deegaankooda, hasa yeeshee, taasi ma dhicin.

 

Waa markii ugu horeysay ee Nooceeda ah ee laga dareemo Deegaanka Ceelasha Biyaha Geedeeble dhaqdhaqaaq noocan oo kale ah tan iyo intii

Xukuumadani qabsatey Talada dalka Somaliland.

Wajaale News Desk

Hargeysa / Somaliland

Exit mobile version