WAJAALE NEWS

Dawladda Australia Oo Shaacisay Inay Dib U Celin Doonto Muhaajiriinta Doonyaha Ku Soo Gala Dalkeeda, Una Ballanqaaday 180 Kun Oo Dollar Ciddii Soo Sheegta Kooxaha Dalkaa U Soo Tahriibiya Muhaajiriinta

(wajaalenews) Tuesday, July 23, 2013
Hargaisa-(WJN)-Warkan ay shaacisay dawladda Australia, waxa lagu bayaamiyay in dadka muhaajiriinta ah

 

Kampala-(HWN)-Xukuumadda cusub ee dalka Australia, ee uu Raysal Wasaaraha ka yahay Kevin Rudd, ayaa daboolka kaga qaaday war ay shaacisay Jimcihii dhawaa ee aynu soo dhaafnay inay dib u celin doonto dadka qaxoontiga ah ee muhaajiriinta ah ee dalkaa doonyaha ku soo gala dalka, Sidoo kelena ay talaabo adag oo sharci ah ay ka qaadi doonto dadka kooxaha ka shaqaysta tahriibinta muhaajiriinta qaxoontiga ah iyo kooxaha dalka Australia soo geliyay dadka qaxoontiga ah.

Warkan ay shaacisay dawladda Australia, waxa lagu bayaamiyay in dadka muhaajiriinta ah ee soo galaya wadanka Australia ee doonyaha lagu qabto in dib loogu celin doono wadanka Papua New

 

Guinea, waxaanay dawladda  dalka Australia, ay soo jeedisay ballanqaadyo ay ku sheegtay inay diyaar u tahay inay siinayso abaalmarino lacageed oo aad u badan oo tiradeeda lagu qiyaasay ilaa Boqol Iyo Siddeetan Kun Oo Dollarka Maraykanka ah cid kasta oo Dawladda ku soo wargelisa una soo sheegta dadka tahriibinta ku soo galiya dadka muhaajiriinta ah dalka Australia.

Dhinaca kale, Dawladda wadanka Australia ayaa lagu soo waramayaa inay gude gashay oo ay bilawday inay dib dalkeeda uga celiso doonyaha sida dadka muhaajiriinta ah ee qaxoontiga aee dalkaa soo galaya, waxaana qorshayaashan ay wado dawladda Australia si xoog leh gaashaanka ugu dhuftay oo ka soo horjeestay dadka qaxoontiga ah eek u jira xeryaha dalkaa ku yaalla, Sidoo kale waxa iyana go?aanadan si weyn uga biyo diiday Hay?addaha u dooda illaalinta xuquuqal Insaanka.

 

WAJAALE NEWS DESK

 

WAJAALE office

Exit mobile version