WAJAALE NEWS

WAR DEGDEG AH- Barclays Bank Oo Ah Baankii U Danbeeyay Ee Ay Xisaabaha Ku Lahaayeen Xawaaladdaha Soomaalidu Oo Shaaciyay Inuu Xidhayo Iyo Walaaca Nolosha Malaayiin Somali Ah Oo Ku Tiirsanaa Lacagaha Qurbo Jooga

(wajaalenews.com) Monday, June 24, 2013
London(wajaalenews.com)- Masuuliyiin magaaladda London ugu hadashay Baankan caalamiga ee lagu magacaabo Barclays Bank, ayaa

( wajaalenews.com)- Bangigii caalamiga ahaa ee Barclays Bankay oo ahaa bangigii ugu danbeeyay ee ay xisaabuhu uga furaayeen xawaaladaha lacagaha la isugu diro ee ay leeyhiin shirkadaha xawaaladaha Soomaalidu , ayaa dalka Britain kaga dhawaaqay in uu si rasmi ah u xidhi doono bisha soo socota ee July ee sanadkan aynu ku jirno ee 2013-ka, xisaabihii iyo macaamiladii ay la haayeen baanka Xawaaladaha Soomaalidu.
Masuuliyiin u hadashay Baankan ayaa daboolka ka qaaday kuna tilmaamay sababaha ay xidhayaan xisaabaha shirkadaha xawaaladaha Soomaalida inay tahay waxa uu ku sheeagay baanku dadka xalaalaynaya lacagaha markooda horaba sida khaladka ah loo soo helay waa sida

uu baanku hadalka u dhigaye.

Go´aankan uu Baanku ku mamnuucay xisaabahaa Xawaaaladaha Soomaalida ayaa cawaaqib xumo baaxad leh oo dhinac walba ah ku keeni doona nolosha dadka Soomaalida ah ee ay qaraabadooda qurbo jooga ahi lacagaha ugu soo diraan dadkooda ku nool gudaha Soomaaliya.

Dhinaca kale, Xawaaladaha lacagaha xawila ee Soomaalida ayaa qaylo dhaan iyo walaac aad u weyn ka muujiyay go aankan uu Baanku ku joojinayo xisaabihii Xawaaladaha Soomaalida, waxaanay xuseen intii karaankooda ah  inay xoogga saaari doonaan sidii loo furdaamin lahaa arrintan, waxaanay ka digeen in talaabadani ay halis gelinayso nolosha Malaayiin qof oo Soomaali ah oo ku nool gudaha Soomaaliya oo ku tiirsanaa lacagaha dibadaha looga soo xawlo, maadaama aanay Soomaliya lahayn Bangi rasmi ah oo shaqaynayae Soomaaliya sanadkii 1991-kii, tan iyo markii ay burburtay dawladii dhexe E, waxaanay  mulkiilayaasha xawaaladaha Soomaalidu ay si weyn uga dalbadeen Dawaladda Britain inay , arrintan si degdeg ah u soo farageliso.

Waxaana socda dadaalo isku dayo ah oo ay wadaan ganacsato, siyaasiyiin  dad magac leh oo British ah oo ay ku doonayaan in lagu hakiyo talaabadan uu baanku ku dhaqaaqay si loo badbaadiyo nolosha dadka Soomaalida ah oo ay lafdhabar u tahay lacagaha ay dadkoodu uga soo diraan dalalka dibadaha.   

Si kastaba ha ahaatee, waxa talaabadan baanku ku dhaqaaqay ay ka naxisay guud ahaan dadka Soomaalida oo ay xawaaladaha lacaguhu ahaayeen isha kaliya ee dhaqaale ee ay ku nool yihiin Malaayiin qoys oo Soomaali ah oo ay qaraabadooda iyo ehelkoodu lacagaha uga soo dari jireen qurbaha, waxaanay talaabadani hadii ay sii socoto keeni kartaa halis dhaqaale iyo mid nololeed oo ba?an u saamaysa dadka Soomaalida ah, mana cada  weli halka uu ku danbayn doonaan dadaaladda la wadaa iyo waxa ay isugu soo biyo shuban doonaan.
KALA SOCO SHABAKADDA WARARKA EE CAALAMIGA AH EE WAJAALENEWS.COM HADBA WIXII WARAR KA SOO KORDHA ARRINTAN
Exit mobile version