Warsaxaafadeedkan oo dhamaystirani waxa uu u qornaa sidan:
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu digreetooyin oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1820/062013 uu ku magacaabay wasiiro cusub, wasiiro xilal kale loo bedelay, iyo kuwo xilalkii ay hayeen laga bedelay.
MADAXWEYNUHU:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wasaaraddahan JSL;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
Title-ka | Magaca | |
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda | Maxamed Biixi Yoonis | |
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha | Cali Maxamed Warancade | |
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka | Shugri X. Ismaaciil Baandare | |
Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda | Cali Jaamac Faarax (Buureed) | |
Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta | Maxamed Jaamac Abgaal | |
Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta | Axmed Cabdi Kaahin | |
Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda | Aaden Axmed Warsame | |
Wasiirka Wasaaradda Biyaha | Xuseen Maxamed Cabdille | |
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada | Maxamed Muuse Abees | |
Wasiiru-dawlaha Nabadaynta iyo Horumarinta Gobollada Bari ee JSL | Cali Maxamuud Axmed (Sandule) | |
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare | Axmed Nuur Faahiye | |
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta | Xasan Daahir Dhinbiil | |
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha | Aaden Ibraahin Yuusuf Ashqar | |
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada | Shugri Xariir Ismaaciil | |
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta | Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir | |
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga | Cabdi Daahir Camuud | |
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga | Bashiir Cabdi Xariir | |
La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka iyo Asxaabta (Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka) | Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) | |
La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Garsoorka iyo Cadaalada (Wasiirka Hore ee Wasaaradda Deegaanka) | Maxamuud Siciid Maxamuud (Gacamey) |
WAXA KALE OO UU MADAXWEYNUHU XILALKII AY HAYEEN UU KA BEDELAY XUBNAHAN HOOS KU QORAN UNA MAGACAABAY XILALKAN:-
S/No. | Title-ka | Magaca |
Wasiirkii hore ee Wasaarada Dib-u-dejinta waxa loo bedelay (Wasaaradda Caafimaadka ) | Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) | |
Wasiirkii hore ee W/Ganacsiga waxa loo bedelay) Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka | Cabdirisaaq Khaliif Axmed | |
Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibeda waxa loo bedelay (Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga) | Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar | |
Wasiir ku xigeenkii hore ee W/faafinta waxa loo magacaabay (Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta) | Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) | |
Wasiirkii hore ee W/faafinta waxa loo bedelay (Wasaaradda Warshadaha) | Abiib Diiriye Nuur (Timacade) | |
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda | Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) | |
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka waxa loo magacaabay (La-taliyaha Mdaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka iyo Asxaabta) | Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) | |
Wasiirka Hore ee Wasaaradda Deegaanka waxa loo magacaabay (La-taliyaha Arrimaha Garsoorka iyo Cadaalada) | Maxamuud Siciid Maxamuud (Gacamey) |
SIDOO KALE WAXA MADAXWEYNUHU UU XILALKII AY HAYEEN UU KA
NASIYEY WASIIRADAN HOOS KU QORAN:-
Title-ka | Magaca | |
Wasiirkii Hore Wasaaradda Arrimaha Gudaha | Maxamed Nuur Caraale (Duur) | |
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warshadaha | Cabdirisaaq Cali Cismaan | |
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Caafimaadka | Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog) | |
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta | Cali Cilmi Geelle | |
Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Ganacsiga | Aaden Diiriye Cigaal | |
Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare | Cali Xaamud Jibriil |
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.