Hargeysa, (wajaale news) – Golaha wakiilada Somaliland oo xeerkii ciidanka Bilaysku muddo dhawr bilood ah laysku mari la’aa meel marintiisa ayaa maanta gole weynuhu qaraar ka gaadhi doono ansixintiisa xeerka ciidanka Bilayska, oo markii xukuumadu usoo gudbisay wakiilada goluhu guddi talo bixineed oo uu u saaray ay wax ka badal iyo kaabis ku soo sameeyeen, ayaa mar labaad goluhu guddigaasi ku celiyeen xeerkaasi,
ka dib markii qodobada ku jira xeerkaasi ay golaha ka dhex alooseen dood adag. Xeerkan ciidanka Bilayska oo maanta goluhu u balansan yahay inuu go’aan ka gaadho ansixintiisa ayaa dood adagi ka taagan tahay guddiga madaxa banaan ee loo gudbinayo cabashooyinka iyo dacwadaha lidka ku ah ciidamada Bilayska, taas oo golaha aqalabiyadiisu ay qabaan in guddigasi lagu muujiyo xeerka awoodaha ay yeelanayaan iyo go’aanada ay qaadanayaan oo aan xeerka lagu cadayn, taas oo mudanayaal badani ay qabaan in xeerkaasi dib loo dhigo inta la cadaynayo awoodaha ay yeelanayso guddiga baadhista madaxbanaan ee loo gudbinayo cabashooyinka ciidanka Bilayska.
Golaha wakiilada ayaa loo badinayaa inay xeerkaasi Bilayska soo celiyaan. Dhinaca kale gudomiyaha guddiga golaha soo hordhigay xeerkaasi Bilayska Siciid Cilmi Rooble oo aanu wax ka waydiinay sida ay u arkaan xeerka dooda adagi ka taagan tahay ayaa isagu ka gaabsaday inuu ka hadlo waxaana si kooban u yidhi “Go’aamka kama dambaysta ah gole weynaha ayaa iska leh wixii goluhu isku raaco aqalabiyadiisu ayuun baa go’aan gole noqda, guddiguna soo jeedin bay leeyihiin. Sidaa darteed kama hordhacayo go’aanka goluhu ka qaadan doono xeerkaasi Bilayska , balse maanta ayaa codka loo qaadi doona ansixintiisa” Haatuf.
Wajaale news