𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐲𝐬𝐚𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐢𝐢 𝐒𝐚𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐲𝐬𝐚𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐢𝐢 𝐒𝐚𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡.
March 9, 2025 - Written by Editor:

CEERIGAABO(W,N)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo waftigii uu hoggaaminayey oo maalintii 14 aad safar shaqo ku jooga Gobolka Sanaag ayaa maanta ka qayb- galay, munaasabad ballaadhan oo lagu Qaramaynaayey qaybtii sadexaad ee Ciidanka Madaniga iyo Gadiidkoodii dagaalka, kuwaas oo si rasmi ah uga mid noqday Ciidanka Qaranka JSL .

Madaxweyne ku-xigeenka JSL oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyey ciidanka la qarameeyey, waxaanu sheegay in wali ay Ceerigaabo taalo gogoshii nabadeed ee ay  hore ugu baaqay Xukuumadda WADDAJIR IYO WAX- QABAD.

COMMENTS
LINKS