Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Jsl oo soo saartay Wareegto Wasiir oo ku saabsan Dabagalka iyo Qiimeynta | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Jsl oo soo saartay Wareegto Wasiir oo ku saabsan Dabagalka iyo Qiimeynta
February 25, 2025 - Written by Editor:

Hargeysa,(W,N) – Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland ayaa soo saartay wareegto Wasiir oo lagu xoojinayo habraacyada Dabagalka iyo Qiimeynta (Monitoring and Evaluation).

Xeerkan ayaa lagu salaynayaa dadaallada lagu horumarinayo isla-xisaabtanka, hufnaanta, iyo waxtarka barnaamijyada horumarineed ee dalka.

Xeerkan cusub wuxuu xoojinayaa iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda, hay’adaha dowliga ah,kuwa caalamiga ah iyo bahwadaagta horumarineed, si loo xaqiijiyo hufnaanta iyo waxtarka mashaariicda horumarineed.

Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa horey u qaadday tallaabooyin lagu xoojinayo nidaamyada maamul iyo horumarineed, waxaana xeerkan cusub uu qayb ka yahay dadaalladaas lagu wanaajinayo qorshaynta iyo qiimeynta mashaariicda dalka.

COMMENTS
LINKS