Warbaahin Caalamiya Oo Waraysi Dhinacyo Badan Taabanaya la Yeelatay Madaxwaynaha jsl iyo Arimaha Wax Laga Waydiiyay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warbaahin Caalamiya Oo Waraysi Dhinacyo Badan Taabanaya la Yeelatay Madaxwaynaha jsl iyo Arimaha Wax Laga Waydiiyay!
February 13, 2025 - Written by Editor:

DUBAI(W,N)-Madaxweynaha JSL, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi – Cabdiraxmaan-cirro, waxa uu taabtay qaxoontiga Falastiiniyiinta, kadib hadalo loo nisbeeyey Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ku saabsan suurtogalnimada in Somaliland qaabisho qaxootiga marinka Gaza.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Maraykanku uu taageero siyaasadeed iyo mid milateriba siiyo Somaliland, isla markaana uu dalkiisu doonayo inuu xoojiyo xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo midka dhaqaale ee uu la leeyahay Washington. Hase yeeshee, waxa uu ku macneeyey in aanuuย  Somaliland weli kala tashan Maraykanku qaabilaadda Qaxoontiga Falastiiniyiinta, balse ay filayaan in arrintan lagala tashado ka hor inta aan goโ€™aan laga gaadhin, waxa uuna intaa ku daray in dalkiisa uu taageersan yahay falastiiniyiinta, isla markaana uu taageerayo xuquuqdooda, isagoo ku nuux-nuuxsaday muhiimaddaย  uu leeyahay wada-tashiga dublamaasiyadeed ka hor inta aan arrintaas laga qaadin wax tallaabo ah.

๐—๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐š ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐จ๐ฐ๐ช๐ข๐Ÿ๐ค๐š ๐ค๐ฎ ๐š๐š๐๐š๐ง ๐๐š๐๐ข๐ฒ๐š๐๐š ๐…๐š๐ฅ๐š๐ฌ๐ญ๐ข๐ข๐ง.

Madaxweynuhu waxa uu carrabka ku adkeeyay in Somaliland ay ka tirsan tahay wadamada Carabta, isagoo xusay in dalkiisu uu xidhiidh diblomaasiyadeed oo xoogan la leeyahay dhawr wadan oo Carbeed, isla markaana ay safaarado ku leeyahay qaar ka mid ah caasimadaha Carabta.

Waxa uu tilmaamay in Somaliland ay diyaar u tahay inay dalalka Carabta kala tashato arrimaha gobolka oo ay ka mid tahay arrinta qaxootiga Falastiin, si loo helo mawqif midaysan oo waafaqsan danaha Carabta.

Waxa uu intaa ku daray in dalkiisu uu doonayo in uu si firfircoon uu uga qayb qaato dedaallada Carabta ee kor loogu qaadayo iskaashiga iyo is-dhexgalka, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado dalalka Carabta si loo gaaro goโ€™aanno istiraatijiyadeed oo cid walba dan u ah.

๐Œ๐ฎ๐ฌ๐ญ๐š๐ช๐›๐š๐ฅ๐ค๐š, ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก.

Gebogebadii, waraysiga Madaxweyne JSL, Cabdiraxmaan Cirro waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay, isagoo ka faaโ€™iidaysanaya horumarka dhinaca tignoolajiyada ah si JSL ay u gaadho horumar waara, isagoo xusay in dalkiisu uu bilaabay inuu horumarro la taaban karo ka gaadhay dhinaca tignoolajiyada casriga ah. Waxa kale uu Madaxweynuhu xusay in horumarkan dhinaca tiknoolajiyada ahi uu Somaliland ka caawin doono horumarinta dhaqaalaheeda iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, taas oo kor u qaadi doonta mawqifka ay ku leedahay caalamka.

Waxa kale oo uu si cad u sheegay in dalkiisu u furan yahay iskaashiga beesha caalamka si loo gaadho horumar iyo xasilooni, isaga oo carrrabka ku dhuftay in Somaliland ay sii wadi doonto la shaqaynta saaxiibadeeda gobolka iyo caalamkaba si loo xoojiyo dhaqaalaheeda iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

๐–๐š๐š๐ฑ๐๐š ๐–๐š๐ซ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐—๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐ž๐ž ๐–๐€๐ƒ&๐ˆ๐‚ ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐‰๐’๐‹

COMMENTS
LINKS
       
       
       
      ๏ปฟ