WAJAALE NEWS

Gorfeynta Qoraalkii Xog’hayaha Guud Ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland.

Gorfeynta qoraalkan muranka dhaliyey ee uu ku baahiyey bartiisa uu kula wadaago baraha bar kulanka Xog’hayaha Guud ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, xilli  Madaxweynihii hore mudane, Muuse Biixi Cabdi oo ku soo laabanayey dalka uu Xisbiga mucaaridka ee Kulmiye ay sameeyeen soo dhaweyn balaadhan.

Garyaqaanka qoraalkiisii ayey shaqsiyaad dan-gaar lihi si kale u dhalan rogeen, balse, Garyaqaanku qoraalkiisa wuxuu ku soo qaatay hab-maamuuska madaxda sare ee Qaranka, kaas oo uu tilmaamayo qodobka 93-aad ee Dastuurka qaranku, waxa kale oo uu qoraalkiisa ku soo qaatay eekeeye uu tusaale uagaga dhigayo si uu dadka u fahansiiyo, kaasoo u qoranaa, Akhriste marka intaas uu sharciga iyo Dastuurku uu qoray aad fahantay, waxa aan rabaa inaan ku caddeeyo kelmada ah Madaxweyne Hore, muxuu sharcigu uu yaqaan? Si aad uu fahanto aan ku sameeyo tusaale: Madaxweynihii hore wuxuu la mid yahay xaaskaagii hore ee aad furtay, oo nin kale guursaday ka warran haddaad albaabkeeda cayaar ka hor tumato, iyadoo marwo ah, oo ninkii qabay ka masuul yahay nolosheeda; sharci ahaan, dhaqan ahaan, islaam ahaan midna ku fasaxi maayo guri aanad lahayn in aad ku hor ciyaarto.

Marnaba qoraalkiisan kumuu sheegin in Madaxweynihii hore uu yahay Xaas ama gabadh la furay, balse, hab-qoraaleedkiisu waxa uu u dhacayaa Madaxweynihii hore oo furay xaaskiisii oo Nin kale guursaday, bal ka waran haddii aad albaabkeeda aad ciyaar ka hor tumato.

Garyaqaan Cabdirisaaq Siciid Ayaanle qoraalkiisii la dhalan rogay ka hadlaya waxa uu yidhi, Qoraal aan ku baahiyey bartayda baraha bulshada oo ay ka timid fal-celin badan, waxaan ciwaan ugaga dhigay Madaxweynaha xilka ka deggay maamuskiisa ayuu ahaa, ciwaankii waa la beddelay oo si kale ayaa laga dhigay, qoraal gudaha ku jiray ayaa la soo qaatay oo sidii aan ula jeeday ka duwan.

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi in badan baanu soo wada-shaqeynay, markii uu u tartamaayey jagada madaxweynaha raggii doortay baan ka mid ahaa, intii uu joogayna waan la shaqeynaayey, wuxuu iga mudan yahay qadarin, maamuus iyo ixtiraam.

Xaasha waxaa ay wareejinayaan ee ay leeyihiin wuxuu ku sheegay xaas igama qabato.

Dulucda hadalkaygu waxa uu ahaa, gabadhan aan ka hadlaayey xoriyadda, marka xoriyadda laga hadlayo maandeeqbaa lagu tilmaamaa, hooyaa lagu tilmaamaa, Inan baa lagu tilmaamaa, anigu gabadhan aan ka hadlaayey waa xoriyaddan la soo kala dumaalay, Cabdiraxmaan baa ugu horeeyey Burcuu ku guursaday, Cigaalbaa dumaalay Boorama ayuu ku guursaday, Riyaalaa ku xigay Hargeysuu ku guursaday, Siilaanyaa ku xigay Hargeysuu ku guursaday, Muusaa ku xigay Hargeysuu ku guursaday, Cabdiraxmaan baa ku xigay Hargeysuu ku guursaday, gabadha aan ka hadlayey ee la wareejinayey waa xoriyadda weeyi, oo la kala dumaalay, dad baa si kale u dhigay, markaa arrintaa carabkaygaan ku dafirayaa in aanan Madaxweynaha ku tilmaamin, igana qaban, in waxaa ay sheegayaan ku odhan Madaxweynaha.

Waxaan mar labaad iyo mar saddexaadba Madaxweynaha leeyahay arrintaa xaal baan ka bixiyey, waxa kale oo aan leeyahay cid kasta oo ay arrintaasi xaganaysay, horaa loo yidhi, hawraaray Nina si kuu yidhi ninna si u qaaday, waxaanna halkan u soo itaagay in aan iftiimiyo gabadha aan ka hadlaayey in ay ahayd xoriyadda, maalinba nin baa dumaala, Ninkii dadku ay doorteen ayey la joogtaa.

W/Q: Qoraa Maxamed Faarax Qoti.

 

Exit mobile version