|
|||||
WAJAALE NEWS
Khilaafkii Xil Wareejinta ka Dhashay Ee Badhasaabka Cusub Iyo Badhasaabkii Hore Gobolka Togdheer Oo Lasoo Afjaray!
January 17, 2025 - Written by Editor:Waxaa is fahan iyo Heshiis kusoo dhamaaday khilaafkii Maalinimaddii shalay soo kala dhexgalay Badhasaabkii hore ee Gobolka Togeheer Jaamac Cabdilaahi Biin iyo Badhasaabka cusub ee loo magacaabay Gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan (Ramax). Khilaafkan oo ka dhashay dayn uu badhasaabkii hore sheegay in lagu leeyahay Gobolka, dayntaas oo badhasaabka cusubina diiday inuu la wareego. Khilaafkaas ayaa ugu dambayn kusoo dhamaaday Heshiis iyo Afgarad in uu dayntaasi la wareego Badhasaabka cusubi ka dib dhexdhexaadin ay sameeyeen, Salaadiin, siyaasiyiin iyo Waxgarad kale oo Gobolkaasi ka soo jeeda. Related posts:Dablay Hubaysan Oo Caawa Magaalada Laascanood Ku Dilay Marxuum Cabdifataax Cabdilaahi (Hadraawi). Wasiir CADDAMI Oo Shaaca Ka Qaaday In Xukuumada Iyo Xisbiga KULMIYE Isku Khilaafsan Yihiin Liiska Ay... Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Jsl Oo Tababar Ufuray 50Xubnood Oo Ka Kala Socday, Bahda Garsoorka G... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|