|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Hawlaha Guud Jsl Oo Joojiyay Dhismayaasha Iyo Waxka Badelka Hantida Dawlada Ee La Bixiyay Wakhtigii Kala Guurka!
December 24, 2024 - Written by Editor:Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Xuseen Axmed Caydiid ayaa soo saarey wareegto lagu joojiyenayo Dhismayaasha, Dhulka iyo wax-ka-bedelka Hantida Dawladda ee la bixiyey ama la hibeeyey mudadii kala-guurka labadda Xukuumadood. Amarkan ayaa waxa lagu socod-siiyey Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Taliyaha Booliska, Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka, Badhasaabadda Goboladda Dalka, Maayaradda Magaalooyinka iyo Masuuliyiinta kale ee ay khuseyso. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta, Xuseen Axmed Caydiid ayaa ku amray guud ahaanba Hay’adaha sharci-fulinta iney talaabo sharciga waafaqsan ka qaadan cid kasta oo ku xad-gudubta Wareegtan. Related posts:Daawo Wasiirka Biyaha Oo Ka Hadlay Halka Ay Marayaan Biyo Galinta Magaalada Hargeisa Ee Xunbo Wayne Safiirka Cusub Ee Madaxwaynaha Somaliland Umagacaabay Dalka Itoobiya Oo ka Dareen Celiyay Xilka Loo ... “Xaaladdu Halkay Marayso Hormuudnimadeeda Waxaa Leh Madaxwaynaha Iyo Xukuumaddiisa” Gudoomiye Saleeb... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|