|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Safiirka Dalka Maraykanka.
December 12, 2024 - Written by Editor:Hargeysa-12-12-2024-()-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa qaabilay safiirka dalka Mareykanka Amb. Richard H. Riley .
Safiirka Mareykanka ayaa ugu horeyn madaxweynaha cusub ugu Hanbalyey xilka madaxweynaha Somaliland oo maanta si rasmi ah loogu dhaariyey . Sidoo kale safiirka Mareykanka ayaa waxaa uu madaxweynaha cusub u soo bandhigay sida uu Mareykanku ahmiyad gaar ah u siinaayo inuu sii xoojiyo xidhiidhka Somaliland . Amb. Richard H. Riley waxaa uu si gaar ah hoosta uga xariiqey in Mareykanku qorsheynaayo in iskaashi dhanka amaanka ah la sameysto Somaliland . Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa isaguna dhankiisa cadeeyey inuu diyaar u yahay sidii uu u sii xoojin lahaa xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo Mareykanka . Wa-bilaahi Tawfiiq
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|