|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha La Doortay Ee Jsl Oo Qaabiley Wafti Balaadhan Oo ka Socday Dawladda Maraykanka
December 3, 2024 - Written by Editor:Madaxweynaha la doortey ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cigaal ( Cirro ) ayaa maanta qaabilay Danjiraha dalka Mareykanka Amb. Richard H. Riley iyo Taliyaha Ciidamada AFRICOM Major General Brian Cashman .
Ugu horeyn Danjiraha Mareykanka ayaa madaxweynaha la doortey ee Jamhuuriyada Somaliland soo gaadhsiiyey dhanbaal hanbalyo oo uu ka sido dalkiisa . Intaas kadib Labada dhinac ayaa ka wada si faahfasan uga wada hadleen xidhiidhka qotoda dheer ka dhexeeya Somaliland & Mareykanka iyo sidii xidhiidhkaas loo sii adkeyn lahaa.
Madaxweynaha la doortey ee Somaliland waxaa uu dawlada Mareykanka u cadeeyey inuu diyaar u yahay sidii uu xidhiidhkaas u sii xoojin lahaa Danjiraha Mareykanka waxaa kulanka ku wehelinaayey saraakiil sarsare oo ka mid ah ciidamada Militeryga Maraykanka ee qaaradda Afrika . Related posts:Hogaanka Xisbiga Waddani Oo Kulan La Qaatay Mid Kamid ah Beelaha Dega Gobolada Saaxil, togdheer iyo ... Daawo-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Oo Baaq Nabadeed U Diray Laba Beelood Oo Ku Dagaalamay... Wasiirka Maaliyadda oo soo saaray Digreeto uu ku dalbanayo in Miisaaniyadda 2014-ka la soo xareeyo b... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|