|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidanka Booliska Jsl Oo Gacanta Kusoo Dhigay Sedex Qof Oo Kale Oo Kamid Ahaa Dhalinyaradii Calanka Kulmiye Sidatay Ee Rabshadaha Ka Gaysatay Xaafada Siinay.
October 30, 2024 - Written by Editor:Ciidanka Booliska JSL ayaa gacanta ku soo dhigay Saaka saddex qof oo ku eedaysan in ay ka qeyb qaateen rabshadihii ka dhacay Xaafadda Siiney ee degmada Axmed Dhagax 28-kii bisha. Hawlgal iyo baadhid uu sameeyay Ciidanku ayuu eedaysanayaashan gacanta kusoo dhigay , waxaanay ku jiraan gacanta Booliska, tirada illaa hadda kiiskaasi loo hayo ayaa ah 8 qof , sidoo kale Ciidanku wuxuu ku raad-joogaa xubno kale oo baxsada. baadhidu markay dhamaato waxa degdeg loo horgayn doonaa Ha’yaddaha garsoorka . Taliska Ciidanka boolisku waxa uu bulshada ugu baaqayaa in ay ilaaliyaan xasilloonida iyo nabadgelyada , waxaanan Xisbiyada iyo ururada Qaranka u soo jeedinyaa in ay u hogaansamaan shuruucda dalka. Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Booliska JSL.
Related posts:Daawo:Komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Soo Bandhigay Tirada Codbixiyayaasha Iska Diiwaan Galiyay... Shil Gaadhi Ka Dhacay Duleedka Magaalada Gabiley Oo Sobobay Dhimashada Laba Qof Oo Yemeniyiin Ah Iyo... Donald Trump Oo Sheegay Haddii Uu Kursiga Ku Guulaysto Inuu Tarxiilayo Dadka Sharci darada Ku Jooga ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|