Maayarka Caasimada Hargaysa Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wafti Kasocday Baanka Aduunka Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayarka Caasimada Hargaysa Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wafti Kasocday Baanka Aduunka Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen!
September 23, 2024 - Written by Editor:

Duqa Caasimadda Hargeisa Mudane  Cabdikariin Axmed Mooge,  ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaadhan oo ka socday  Baanka Adduunka.

Kulankan ayaa waxa uu gogolxaadh u ahaa Shaqooyin horumarineed oo aanu baandhka aduunka u soo badhignay in uu nagala shaqeeyo. Shaqooyinkan  horumarineed ayaa lagu talo jiraa inay si gaar ah u taageeraan kor u qaadista adeegyada iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee caasimadda Hargaysa.

Agaasimayaasha Hawlaha Guud, qorshaynta iyo Maamulka iyo maaliyadda ayaa kulankan ku wehelinayay Duqa Caasimadda Hargaysa waxaana ay waftiga u soo bandhigeen shaqooyinka muhiimka ah ee ay dawladda Hoose u baahantahay in laga taageero si kor loogu qaado kaabayaasha asaasiga ah ee ay dadku u baahanyihiin.

COMMENTS
LINKS