Qaarkamid Ah Haldoorka, Dhalinyarada Iyo Haweenka Beesha Cabdale Sacad Oo Biiray Xisbiga Waddani IyO Soo Dhawayntii Hogaanka Xisbiga! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaarkamid Ah Haldoorka, Dhalinyarada Iyo Haweenka Beesha Cabdale Sacad Oo Biiray Xisbiga Waddani IyO Soo Dhawayntii Hogaanka Xisbiga!
July 21, 2024 - Written by Editor:

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro Iyo Murashaxa madaxweyne Ku Xigeenka maxamed Cali Aw Cabdi  Iyo Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Xaji Cali Xasan Waxay Si Heersare U Qaabileen Aqoonyahano Siyaasiyiin Haween .Dhalinyaro Waxgarad Ka Soo Jeeda Beesha Cabdale Sacad Ee (Sacad Muuse) ‘ Kulan Oo Ka Dhacay Xafiiskaa Masuulintaasi

 

 

 

waxaanay Waxgaradka Beelaha Cabdale Sacad Cod Dheer Ku Sheegeen  In Dadka Deegaanka Cabdale Sacad Ay Isbadalka Murashax Cirro Hogaaminayo Ee Xisbiga Waddani Ay Ku Soo Biireen Dalkuna U Baahanyahay Isbadalkan Waddani  Waxaanay Kaga Dhawaaqeen Gudi Deegaankaasi Oo Ka Shaqaynaysa Hawlaha Xisbiga  Ee Doorashooyinka Iyo Deegaanka Cabdale Sacad

Murashaxa Madaxweyne Cirro Iyo Ku Xigeenkiisa Dr Maxamed  Iyo Gudoomiyaha Xisbigu Ayaa Uga Mahadceliyey Waxgaradka Iyo Aqoonyahanka Beeshan Sida Ay Diyaarka Ugu Yihiin Isbadalka Xisbiga Waddani Waddo Iyagununa Ay  Hogaaminayaan Kaas Oo Ku Salaysan Hormar  daganaan Dad Isku Hayntaa Shacabka Somaliland.

COMMENTS
LINKS