|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Ka Qaybgalay Aas Qaran Oo Magaalada Hargaysa Loogu Sameeyay Marxuum Axmed Xasan Muuse.
June 11, 2024 - Written by Editor:Hargeysa-11-06-2024-(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka qaybgalay Aas Qaran oo loo sameeyey Alle Ha,unaxariistee Marxuum Axmed Xasan Muuse oo ka mid ahaa saraakiishi sarsare ee xilal kala duwan ka soo qabtay dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadii Soomaaliya ee burburtay oo ku geeriyooday Dalka Maraykanka maantana la keenay Caasimada Hargeysa iyadoo lagu aasay Xabaalaha Haleeya.
Marxuum Axmed Xasan Muuse Ayaa kamid ahaa 25-kii Xubnood ee Golihii Kacaanka ee Jamhuuriyadii Burburtay ee Soomaaliya Waxaana madaxweynaha qaranka kala qaybgalay aaska qaran Gudoomiyaha Golaha Guurtida, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, Xubno ka mida Golaha Wasiirrada, gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex, Xildhibaano, taliyeyaasha Ciidamada, ganacsato, madaxda dhaqanka, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Related posts:DAAWO; Prof Axmed Ismaaciil Samater Oo Lala Yeeshay Waraysi Xasaasiya Iyo Arimaha Uu kaga Hadlay! Waraabe 15neef Oo Adhiya Ku Cunay Duleedka Magaalada Gabiley Iyo Qoyska Leh Oo Ka Waramay Dhacdadan... DAAWO;-Prof Cabdisalaan Yaasiin Oo Ayaan Daro Ku Tilmaamay In Markii Shanaad Mudo Kordhin Loo Samee... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|