|
|||||
WAJAALE NEWS
Hogaanka Xisbiga Kulmiye Oo Kulamo La Qaatay Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Magaalada Berbera
June 13, 2024 - Written by Editor:Hoggaanka xisbiga KULMIYE oo kulamo midho dhal ah ka qaatay Cuqaasha, waxgaradka reer Berbera iyo garabbada haweenka xisbiga u qaabilsan gobolka Saaxil iyo degmada Berbera.
Weftigii ka socday hoggaanka KULMIYE ee uu hoggaaminayey guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale oo muddooyinkanba safar shaqo ku marayey qaar kamid ah gobollada bari ee dalka, ayaa maanta kulamo kala duwan la qaatay odayaasha, waxgaradka cuqaasha reer Saaxil, hoggaanka garabka haweenka xisbiga KULMIYE ee gobolka iyo xildhibaanada xisbiga KULMIYE uga soo baxay Saaxil.
Dhanka kale gudoomiye kuxigeenka xisbiga kulmiye ayaa eedo culus ujeediyay xisbiga waddani oo ku sheegay in ay caadaysteen cayda hablaha. Related posts:Abwaan Hal Beeg Oo Ka Hadlay Xaalada Laascanood Iyo Baaqyo Uu Udiray Garaadada Gobolka Sool Iyo Xuku... Safaaradda Ingiriiska ee Addis Ababa oo Xaqiijisay in Dacwad ka dhan ah Ciidammada RRU-da loo gudbiy... Wakiilka Midowga Yurub Oo Ka Qaybgalay Mashruuc Laga Dhagax Dhigay Magaalo Madaxda Gobolka Saaxil Ee... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|