|
|||||
WAJAALE NEWS
Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL Oo Markii Ugu Horaysay Hirgaliyey Hantidhowrka Nidaamka Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha
May 6, 2024 - Written by Editor:Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL Oo Markii Ugu Horaysay Hirgaliyey Hantidhowrka Nidaamka Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha (Biometric Voter Registration Audit System). KDQ isaga oo kaashanaya Midowga Yurub (EU) iyo hay’adda Natherland Institute for Multiparty Democracy (NIMD) waxa uu heshiis shaqo la galay khabiir madax-banaan oo takhasus u leh shaqadan, khabiirka oo shaqada ku jiray muddo laba todobaad ah, isla markaana soo gabagabeeyey wajigii koowaad ee hantidhowrka ayey maanta KDQ u sameeyeen kulan sogootin ah. Hantidhowrkan madaxa-banaan ee lagu samaynayo Nidaamka Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha ayaa waxa uu kor u qaadayaa kalsoonida daneeyeyaasha doorashooyinka JSL, waxayna horseed u tahay fullinta doorashooyinka xor iyo xalaal ah oo daahfuran. Related posts:Itoobiya Oo Sheegtay In Xidhiidhkay Maraykanka La Leedahay Fiican yahay Xilli dhawaan La Rasaaseeyay... Madaxweynaha Jsl Oo Kulan La Qaatay Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka Iyo Qodoba Kasoo Baxay. “Runtii Ismaan lahayn Waxaan Maanta Arkay, Ayaa Meesha Yaala, Laftii farowayne Ee Ay 89kii, Iigu Dan... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|