|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidanka Booliska Jsl Oo Gacanta Kusoo Dhigay laba Eedaysane Oo Loo Haysto Dilka Marxuum Lagu Dilay Deegaanka Cadow-yuurara Ee Koofurta Magaalada Burco.
May 10, 2024 - Written by Editor:Ciidamada Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay Eedaysanayaasha kala ah 1-Cabdilaahi Aadan Cigaal Ina Safiya Xasan 20 jir ah 2-Cabdiqani Kayse Hayaan ina Aamina Saleebaan 25jir ah , kuwaasi oo ku eedaysan inay dileen 8-5-2024 kii Marxuum Mustafe Cali Xasan ,Dilkaasi oo ka dhacay deegaanka Cadow-yuurara ee Koofurta Magaalada Burco ee G. Togdheer. Hawlgal iyo dedaal dheeriya oo ay sameeyeen Ciidanka Booliska JSL garahaan Qaybta Gobalka Togdheer iyagoo kaashanaya dadweynaha Deegaankaasi , ayaa saaka Abbaaro 10:00 Subaxnimo lagu qabtay deegaanka Naq-dhibiijo ee hawdka Magaalada Burco. Waxaana dhammaantood Eedaysanayaashaa degdeg loo horgayn doonaa Hay’addaha garsoorka JSL Marka baadhistu dhammaato. XIGASHO; Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Booliska JSL.
Related posts:Daawo: Guddoomiyaha Kaambaynka Gobolka Maroodi-jeex Ee Xisbiga Waddani Oo Fariin U Diray Taageerayas... DAAWO; Waftigii Xisbiyada Kulmiye Iyo Ucid Oo Sheegay In Ay Kenya Ka Dalbadeen In Ay Aqoonsadaan Pa... Musharaxiinta Kulmiye Ee Madaxweyne iyo madaxweyne xigeen oo la Doortay Muuse Biixi iyo Saylici. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|