|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Booqasho Ku Tagay Taliska Ciidanka Qaranka Jsl Ee Magaalada Oog.
April 29, 2024 - Written by Editor:OOG(W,N)-Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta socdaal ku tagay Taliska ciidamada Qaranka ee Magaalada OOG Ee Gobolka Sool.
Waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Taliyaha aagga Bari Sarreeye guuto Cali Barre iyo qaar kamid ah saraaakiisha sare ee Ciidanka Qaranka Somaliland. Kulan laba geesooda kadib, waxaa uu Gudoomiyuhu Deeq dawo ah ku wareejiyay Ciidanka, waxaana gudoomay Taliye Cali Barre. Gudoomiyaha xisbiga UCID, Waxaa socdaalka ku wehelinayay Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Xildhibaan Axmed Cali Caynabo Xoghayaha Duulista Bashiir Xamari, Xoghayaha xidhiidhka golayaasha Yaasiin C.laahi Xaashi iyo Xoghayaha Maaliyadda C.shakuur Muuse Cigaal. Related posts:Madaxwayne Siilaanyo Maka Gudbi Doonaa Go,aamada Adag Ee Xiligan Horyaala Iyo Isbarbar Dhiga Wasiir... Daawo;Wasiirka Ganacsiga Iyo Gudoomiyaha Banka Oo kulan Laqaatay Ganacsatada Reer Berbera iyo Shirka... “Umaddu Waxay U Badan Tahay Qaade Ma Dherge Iyo Xoogsato Ee Xukuumaddu Qorshe Umadda Qanciya Ha La T... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|