|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland oo shaacisay natiijada baadhitaan Ay ku Samaysay maydkii marxuum Cabdinaasir!
February 25, 2024 - Written by Editor:Natiijada baadhitaan cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa ku sameeyey Alle ha u naxariistee Maydkii Marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable ayaa waxa ay ku ogaadeen qaabka loo dilay inuu u dhacay Dhakhaatiir iyo khuburo caalamiya oo baadhay maydka marxuumka qaabka loo dilay iyo tacadi ay maamulka somaliya ugaysteen maydka mudadii ay gacanta ku hayeen. 1;In lagu ceejiyey oo lagu dilay xadhig, kana muuqanaysay in taas keentay in oxygen la’aan taas keentay oo muddo ciijintaas lagu hayey. 2; in Daanka midig jabnaa oo dhaawac weyn kaga yaalay 3-In Xiniinyaha dhaawac kaga yaala oo mid ka mid ahi dilaacday 4- in dhaawacyo kala oo muujinaya in muddo is difaacayey oo ay ka mid tahay in Carabka iyo Ilkuhu is galeen. 5- In Maydka Marxuumka muddadii talaaga uu ku jiray, laga saaray laydhka, taas oo ka muuqatay isbeddelka Maydka oo maamulka Cisbitaal sheegeen in ay u muuqatay in ay doonayeen inuu isbeddelo Maydku si aan loo baadhin karin COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|