|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Oo War Kasoo Saartay Dagaalo Maanta Ka Dhacay Gobolka Sool!
November 22, 2023 - Written by Editor:WAR-SAXAAFADEED Hargeysa-(W,N)- Waxaa saaka soo weeray dadka shacabka ah ee degaanka Buq-dharkayn ee Gobolka Sool, Kooxda Argagixisada ah, Huwanta ka Dagaalanta Bariga Magaalada Laascaanood iyo Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaliya. Dadka degaanka Buq-dharkayn oo gacan ka helaya Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxay gaadhsiiyeen kooxaha Huwanta iyo argagixisada khasaare aad u wayn waxayna ku dhufteen dhirbaaxo kulul. Kooxaha Huwanta ah ayaa caaddaystay in ay weeraro joogto ah ku soo qaadaan dadka shacabka ah ee degaanada Buq-dharkayn iyo Qorilugud. Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay qaadayaan tallaabooyin aanay mahadin doonin cadawga soo duulay,waxayna difaacayaan karamada iyo sharafta dadkooda shacabka ah. Cabdillaahi Axmed Caarshe Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Related posts:“Ma In Diyaaradda Ethiopian Airline La Joojiyo Ayaa Qummanayd,Mise In Dadka Hutelada Haysta Lagu Qas... Daawo:Xisbiga Kulmiye Oo Sas Ka Qaaday Calamaanta Wadani Oo Laga Taagay Magaalada Gabilay Iyo Ciida... Shirkada Socdaalka Ee Sahal Transport Oo Hargeisa Laga Furay Iyo Madaxwayne Ku Xigeenka Samaliland C... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|