Taliyaha Ciidanka Dab Damiska Somaliland oo Booqasho Ku Tagay Dalka Taiwan iyo Nuxurka Kulamo uu la qaatay Madaxda Dalkaasi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliyaha Ciidanka Dab Damiska Somaliland oo Booqasho Ku Tagay Dalka Taiwan iyo Nuxurka Kulamo uu la qaatay Madaxda Dalkaasi
November 4, 2023 - Written by Editor:

TAIWAN(W,N)-Taliyaha Ciidanka Dabdemiska JSL sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili oo Booqasho rasmiya ku tagey waddanka Taiwan ayaa magaalada Caasimada ah ee waddankaasi ee Taipie wuxuu kulan kula qaatay Madaxda Dabdemiska ee magaalada caasimada ee Taipe.

Taliyaha ayaa loo sameeyay soo dhawayn heerkeedu sareeye wuxuuna ay masuuliyiinta ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada waddan ee dhanka horumarinta Dabdemiska.

Taliyaha Ciidanka Dabdemiska JSL ayaa uga mahadnaqay soo dhawayntan meeqaamkeedu sareeye ee ay ku qaabileen madaxda iyo masuuliyiinta Dabdemiska waddanka Taiwan, waxaanuu taliyuhu sheegay inay xoojin doonaan xidhiidhkan u bilaabmay labada Dabdemis iyadoo ay is waydaarsan doonaan waxyaabo badan oo dhanka horumarka Dabdemiska ah.

Taliyaha ayaa sidoo kale u mahadnaqay Safaarada Somaliland ee waddanka Taiwan oo ugu horeeyo Safiirka Somaliland ee Taiwan Ambassador Maxamed Xaaji, masuuliyiinta safaarada iyo shaqaalaha oo masuuliyad gaara iska saaray qabsoomida kulamadan.

Ambassador Maxamed Xaaji ayaa soo qabanqaabiyay kulankan, waxaana safiirku masuuliyad gaara iska saaray in kulamadani noqdaan kuwo midho dhal ah, isla markaana xoogaysto iskaashiga ka dhaxeeya labada Dabdemis. Ciidanka Dabdemiskuna wuxuu ku bogaadinayaa dedaalka uu wado safiirku inuu halkaa ka sii wado.

Safiirka oo kaashanaya waddanka Taiwan ayaa hore u soo gaadhsiiyay gaadhi Dabdemis, waxaana ay sidoo kale ballanqaadeen in sii kordhin doonaan iskaashiga. Safiirka ayaa ah safiirkii ugu horeeyay ee Somaliland ee Dabdemiska soo gaadhsiiya deeq, waxaanuu marwalba ka shaqeeyaa sidii Somaliland looga dhisi lahaa dhinacyada horumarka kaabayaasha dhaqaalaha.

Taliyaha ayaa ugu dambayn soo maray Qaybaha kala duwan ee Dabdemiska sida Gaadiidka, Isgaadhsiinta iyo Qaybaha kala duwan ee xarunta Dabdemiska isagoo shirar wax ku ool ahna la qaatay masuuliyiinta Dabdemiska.

Allaa Mahad leh

COMMENTS
LINKS