“waar bal maxaynu isku dileynaa 40 kii sanadood ee ugu dambeeyay? “
Taariikhda marka aad dib u raacdo ilaa horaantii qarnigii 19naad oo ay dadka soomaaliyeed u halgamayeen gobanimo iyo xornimo ilaa maanta marnaba kama ay maqnayn dano shisheeye iyo wax aan dadka soomaalida ka soo go’in.
Dadka hogaanka u ahaa halganadaasi waxa ay ahaayeen dad dalal kale wax ku soo bartay ama aqoon ka soo korodhsaday oo intooda ugu badani aan la qadiyad aheyn dadkii gobanimo doonka ahaa laakiin danahooga siyaasadeed iyo mustaqbalka ay ka lahaayeen hogaaminta ummadda ku dhex fushanayey , bal dib uun u yar raac taariikhda.
Boqol iyo soddon iyo sideed sanadood ( 138 yrs ago ) soomaalidu waxa ay taagan yihiin halkii maalintaasi la joogay , waxaa loo soo waaridaa afkaar iyo nidaamyo dano kale laga leeyahay haddana taageero iyo cudud loogama waayo soomaalida gudaheega sababtuna wax kale maaha e waxa ku yar waddaniyada waxaana kuweyn qabiilka iyo qabyaalada.
Bal u fiirso marwalba oo qayb ka mid ah ama dawlad ka mid ah dawladaha soomaalidu horumar ka gaadho hawl ay in badan u taag la’ayd waxaa lagu furaa culeys iyo dhibaatooyin hor leh oo kaga sii culeys badan kuwii hore , waxaa muuqata in aan loo arkayn dadka soomaaliyeed in ay yihiin dad geya dawladnimo iyo horumar oo waxa u hagaagaa cid kale aanu dantooda aheyn.
Aan soo ururiyo dalka soomaaliya waxa ka socda dagaal la rabo in lagu soo afjaro afkaaraha guracan iyo ururada argagixiso ee soddonka sanadood lagu dhex tarminayey soomaalida dalkeega iyo dadkeega , waxaa hubaal ah marka hawlahaasi meel wanaagsan marayaan in haddana meel kale lagaga furidoono dhibaatooyin kale oo madaxa la qaadi waayo.
Waxa aan xasuustaa dawladii sheekh Shariif sheekh Axmed iyo Farmaajo oo dagaalka lagula jiro kooxahaasi meel wanaagsan marinaysa ayaa Kampala looga yeedhay dawladii dhamaanteed waxaana qasab lagaga dhigey in uu meesha ka baxo Farmaajo sababta oo ah waxa uu geba-gebaynayey mashruuc aan loo baahnayn in la dhameystiro.
Imika markii Xasan Sheekh Maxamuud goostay in uu la dagaalamo argagixisada oo xididada loo saaro ayaa waxa dagaal qorsheysan lagu soo qaaday jamhuuriyada Somaliland oo haybtiisu tahay isir ku dirir halka Jamhuuriyada Somaliland na tahay xad iyo xeerar ku dirir.
Waxa uu fakaag iyo nafis siiyey kooxii lala dagaalamayey oo ay jamhuuriyada Somaliland ahayd cududa ugu weyn ee Geeska Africa marka laga hadlayo iska caabinta iyo dagaalka kula jirta kooxaha xagjirka ah , waxaa kuu muuqanaya in la rabo in aan dadka soomaaliyeed ama muqdisho ha ahaadeen ama Somaliland e midkoodna lala jeclayn horumar.
Arimahani waxa kale oo soo raaca dagaalo beelaha dhexdooda lakala dhex-dhigo oo soo noqnoqda oo marwalba dhaca , isla markaana loo maaro laayahay, waxaana ay salka ku hayaan gacmaha shisheeye ee danahooga ka fushanaya dadkani dhexdiisa.
Isku soo wada xoori dadka soomaaliyeed kama garaad iyo garasho yara dadka dunida kale ee gartay in dawladnimo ku walaaloobaan oo wax wada yeeshaan laakiin waxaa saaran cudud ka xoog badan oo la dagaalamaysa oo aan u ogoleyn in geedkaasi la gaadho , waa mid ka mid ah calaamadaha burburka dawladnimo laga dhaxlo in cidwaliba fursad kaa hesho.
Su’aasha aan ku bilaabay qoraalkayga jawaab sax ah qof u heli karaa ma jiro , waa mid subxan Allah.
QALINKII; Mohamed Abdi Jama Dhimbiil