|
|||||
WAJAALE NEWS
“Kuwa Shacabka Ku Kala Qaybinaya, Doorasho Iyo Kursi Iyagana Waxaan leeyahay, Waad Gaadhi Doontaane, Aynu Umidowno Difaaca Qaranka”Siyaasi Bashiir Cabdi Xariir.
February 28, 2023 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Siyaasi bashiir Cabdi Xariir oo kamid ah siyaasiyiinta Somaliland islamarkaana xilal wasiirnimo kazoo qabtay xukuumadii axmed siilaanyo ayaa ka hadlay dagaalka ka socday magaalada laascanood iyo duulaanka lagu soo qaaday somaliland Sidoo kale siyaasi bashiir ayaa fashiliyay ujeedada dagaalka laascanood ka danbaysa iyo ciidamada uga soo gurmanaya punthland,somaliya iyo dawlad deegaanka somalida kuwaasi oo dhamaan isku bahaystay duulaano lagu doonayo in somaliland lagu burburiyo Dhanka kale siyaasi bashiir ayaa shacabka somaliand ugu baaqay in loo midoobo difaaca qaranka Somaliland isagoo si gaara ula hadlay siyaasiyiinta mucaaridka ee bulshada ku kala qaybinaya difaaca qaranka sheegayna in aan xiligan suurto gal ahayn ka hadalka doorasho iyo kursi raadis balse ay muhiim tahay in difaaca Somaliland iyo nabad galyadeeda loo midoobo. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN; Related posts:DAAWO; Wafti Balaadhan oo uu Hogaaminayo Madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo Gaadhay dalka Canada Abwaan Cabdiraxmaan Abees Oo Saaka La Horkeenay Maxkamadda Iyo Siciid Maxamuud Gahayr Oo Ka War Bixi... “Waxaa Ceeb Iyo Dhegxumo Ah In Maanta Suuqa Waaheen Dib U Dhiskiisa La Siyaasadeeyo Oo La Carqaladee... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|