|
|||||
WAJAALE NEWS
GABAYGA: DERIS BARI (REER SOOL)
January 26, 2023 - Written by Editor:Gabayga soo socda waxaa lagu magacaabaa Deris Bari waxaanu ku socdaa Reer Sool ama Beesha Dhulbahante. Gabaygu wuxuu ka koobanyahay 72 beyd waxaanu soo baxay muddo kadib markii la aasaasay Jamhuuriyadda Somaliland ee 1991. Beesha Sool oo wax ka aasaastay Somaliland ayaa haddana qaybweyn oo ka mid ah waxay ka qaybgashay aasaaaskii Maamulka Puntland ee la qabtay 1998 qabyaalad awgeed si ay u mijaxaabiso qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland uguna wacad-furto qaybtii ay ka qaadatay aasaaskii Somaliland iyo la soo noqoshada gobanimadii June 26, 1960. Gabaygu wuxuu Beesha Sool ku eedaynaya cadaawad, wacad-fur, qabyaalad iyo dibindaabyo muddo dheer soo taxnaa oo ay ku hayso Somaliland iyada oo ku ximinaysa kuna xumaynaysa Beelaha Dhexe ay la wadaatgo: Taariikh, dal, xuduud, dhaqan iyo dawladnimo, waxaanu u sheegayaa in dantu ku jirto in si wadajir ah loogu midoobo dawladnimada, danta guud iyo wax-wada-qabsiga si horumar loo gaadho. Gabayga oo ah taariikh iyo waano waxa uu ugu dambaynta uga digayaa Beesha Sool nabsi-xumo aan la mahadin oo uga timaada dhibka iyo wacad-furka ay ku hayso dalkeeda iyo dadkeeda. GABAYGA: DERIS BARI Beelo derisa dad sokeeye oo, dano wadaagaaya Oo tuhun ku kala deyranyo, dibin-salaan dhiiba Dar Ilaahay baa loo galaa, xaajadood darane Marki guurti loo dumay xujada, damal hadhweyn geedka Oo muducigu doodiisa furay, deelka ka higaadshay Dadow maqal dulmiga Deriska Bari, daya xumaantiisa ********* Dal nimaad wadaagtaan taniyo, maalinta la duubi Sooliyo Sanaag wada degtaan, duurka iyo hawdka Darka ceelka nimaydaan is-hurin, daaqna wada goosta Abtinimo ninkaa loo darbane, duuda ehelkaaga Xididnimo nin dadab loo xidhxidho, dhaqanku waa doore Oo haddana dareen qaba muxuu, dooni damiciisa? ********* Sayidkii ninki daba dikriyay, daacad u adeegay Beelaha wadaad dool ku yimid, dhaaxo ugu duulay Oo durbaanka dhiillada ku tumay, deris ninkuu haystay Damaacigu ninku aakhirkiis, dooxay ehelkiisa Hambadiisa aan daafacee, duunyana u loogay Xusuustiisu daranaa muxuu, dooni damiciisa? Dalka gobolka lagu dhaato`e, Shiikha lagu duugay Sanaag Bari nin dacalkeeda dega, dooda wada sheegta Daandaansi door moodayo, damacu u qaaday Dulmi uun nin taageerayoo, seegan danihiisa Oo Isaaq dhibkiisuun dawara, doona xumihiisa Oo degmada dagaal hurin muxuu, dooni damiciisa? ********* Samanki Siyaad laga didee, oo dadba hub qaatay Dulmigu ku maamulay arlada, dabargo`uu doonay Islaamnimo ninkaan ila damqane, derisna aan xeerin Oo ciidan igu soo dumee, daw kasta igaaday Doc ka weerarkii igu dilee, dakharna ii geystay Ugu deeqay nabadweyn muxuu, dooni damiciisa? ********* Taliskii markii uu dumee, oo dad kala guuray Oo Kismayo Daarood u qaxay, doonta kala boobay Kiiniya xeryaha loo dadbee, duumo ku haleeshay Adigoo darxumadii qaboo, dakharku uu muuqdo Ogaadeenka Gaarisa degaa, kuuma diir-nixine Damqashada anaa roon muxuu, dooni damiciisa? ********* Ina Yuusufkaa Mudug degee, duufshay gobolkiisa Dawladnimada sheegtee dadkuba, yaabay damiciisa Oo dalkuu degaankiisu yahay, diidan taladiisa Qaarba difaacoo u raran, doonyana u meera Jundi baaska weligoodba diran, waad ku durugteene Doolaalo waa damac muxuu, dooni damiciisa? ********* Hadaad tebeyso Daarood dal kale, wehelna aad dooni Warsangeliba waynala degaa, waana deriskaaye Kala sooca daa oo midnimo, geli damiirkaaga Qabyaaladi horay noo dishoo, diiftu nagu taalle Magane dib yaan loogu noqon, dumiso weyaane Danta guud haddaan rabo muxuu, dooni damiciisa? ********* Israacii ninkaa ila degee, daadku ila qaaday Gobonimo la duudsiyay ninkaan, wada dabayl raacnay Oo midnimada duminteed ogaa, duulki kala gooyay Oo haddana markale dawladnimo, dooni inuu loogo Xin Dhulbahante ila doonayaa, diirsataa Xamare Dawlad gaara ila lihi muxuu, dooni damiciisa? ********* Dunidan la soo koobayee, Maars lagu duulay Dayaxyada samada loo diree, wararka duubaaya Oo wadajir lagu doogsadee, lagu dakaynaayo Daa`iro ninkaa ila rabee, dabinka uun qoola Dibindaabi Somaliland, dawlad kale sheegta Midnimaa na doojine muxuu, dooni damiciisa? ********* Dal barwaaqo khayraad badeed, dalagyo beereedka Dekadaha u furan ganacsigiyo, duunyo laga dhoofsho Macdan dihin shidaal noocyo badan, daafta wada jooga Wanaagaa ninkaa laga dedee, ee dal kale doona Oo daawadii igu furee, weli dantii moogan Qawad daran hadduu qabo muxuu, dooni damiciisa? ********* Samihiis nimaan doonayaa, tayda duminaaya Nabsi daahay duul waa helaa, oo duleed imane Goortu derbiga soo jabsado, waa dubbe Ilaahe Mar haddaan ka digay oo nabsiga, daahir ugu sheegay Oo duqiyo culimiyo waxgarad, wada dareensiiyay Doorashada xumaan iyo samaan, Eebbow deriskaa leh ********************* Dhammaad Gabayga Waxaa Curiyay: Ibrahim Hassan Gagale Taariikhda Gabayga: 2000 COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|