|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Biixi Oo Xilkii Ka Qaaday Laba Masuul Oo Xukuumadiisa Katirsan Iyo Magacyada Xubnaha Cusub Ee Uu Umagacaabay!
November 23, 2022 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Madaxwaynaha Somaliland muuse biixi cabdi ayaa maanta xilkii ka qaaday wasiirkii maalgashiga Cabdilaahi iyo xeer ilaaliyihii guud ee qaranka xasan isagoo magacaabay laba masuul oo kale WAREEGTOOYIN MADAXWEYNE: 23 /11/2022. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-959/112022 iyo JSL/XM/WM/222-960/112022 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey masuuliyiinka mida Xukuumadda. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.
Xeer-ilaaliyihii Guud ee Qaranka Mudane, Laga bilaabo taariikhda maanta waxaan go’aansaday in aan kaa-nasiyo xilkii Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Sidaa darteed, waxaan kaaga mahad-celinayaa dedaalkii iyo hawlkarnimadii aad muujisay muddadii aad haysay xilka Qaranka. Waxa aan kuu rajaynayaa caafimaad taam ah iyo mustaqbal wacan.
Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha JSL. Mudane Laga bilaabo taariikhda maanta waxaan go’aansaday in aan kaa-nasiyo xilkii Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaa darteed, waxaan kaaga mahad-celinayaa dedaalkii iyo hawlkarnimadii aad muujisay muddadii aad haysay xilka Qaranka Ujeeddo: Magacaabid Wareegto Madaxweyne Magacaabid Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Aqoontiisa/Aqoonteeda/Kartidiisa/Kartideeda iyo Waayo Aragnimadiisa/Waaya-aragnimadeeda; Markaan ku Qancay: Inuu Hannan karo/In ay Hannan Karto Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey;
ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Related posts:DAAWO; G.Ku Xigeenka Labaad Ee Golaha Wakiilada Oo Sheegay In Ay Ansixin Doon Xeerarka Loo Soo gudbi... Daawo:Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ku Baaqay In Dalka Xaalad Degdega La Galiy... Madaxweynaha Jsl Oo Qaabilay Maayarka Iyo Kuxigeenka Degmada Burco Oo Maalintii Shalay Ku Biiray Xis... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|