|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Hilaac Prof Axmed Ismaaciil Samater Oo Lagu Soo Dhaweeyay Dalka Jabuuti Iyo Ujeedada Safarkiisa!
November 17, 2022 - Written by Editor:JABUUTI(W,N)-Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Hilaac Prof Ahmed Ismaaciil Samater ayaa shalay galinkii danbe safar ugu Kicitimay dalka jabuuti halkaasi oo lagu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha magaalada Jabuuti. Waxaana goroonka diyaaradaha ee caasimada Jabuuti, ku Qaabilay Wasiirka Biyaha, Beeraha iyo kalluumaysiga Jabuuti Agaasimaha guud ee sadaasha hawada Mohamed Ismaaciil Nuur, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi Jabuuti, Siyaasiyiin iyo madaxdhaqameed. Prof Ahmed Ismaaciil Samatar oo ugu horayn halkaasi ka hadlay Ayaa madaxda uga mahad-celiyay soo dhawaynta balaadhan ee lagu qaabiley, isagoo sidoo kale uga war-bixiyay in ujeedada safarkiisa oo la xidhiidha dar-der-galinta hawlaha shaqo ee horyaala urur siyaasadeedka Hilaac oo kasoo gudbay wareegii koowaad ee tartarkii ururada Somaliland, waxuuna xusay inuu dhawr maalmood la joogi doono madaxda jabuuti, islamarkaana uu la qaadan doono kulamo. Ugu denbaytii Wasiirka Biyaha, Beeraha Maxamed Axmed Cawaale, Xildhibaan Saleebaan Dahir Bileh, Xildhibaan Shurki Cali Caynaan iyo Xil.Maxamed Ismaaciil Yuusuf oo ka Tirsan Baarlamaanka Jabuuti ayaa iyaguna balan-qaaday inay gacmo furan kusoo dhawaynayaan, islamarkaana ay garab kusiin Doonaan hawlaha Ururka Hilaac ee uu u yimid Prof. Samatar Dalkaasi Jabuuti.
Related posts:DAAWO;-Shirkada Dabacaada Casriga Ee Sagal Jet Oo Abaalmarino Gudoonsiisey Qaar ka Mid ah Shaqaalahe... DAAWO; Xukuumada Somaliland Oo Ka Jawaabtay War Ka Soo Yeedhay Wasiirka Kaluumaysiga Ee Maamulka Mad... Golaha wakiilada Somaliland oo Duuduubku Ansixiyay 14 Wasiir , Wasiiru Dawle Iyo ku xigeen oo Madaxw... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|