Ciidanka Booliska Somaliland Oo Gacanta Kusoo Dhigay Eedaysane Habeenkii Xalay Magaalada Hargaysa ku Dilay Marxuum Baashe Faarax. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidanka Booliska Somaliland Oo Gacanta Kusoo Dhigay Eedaysane Habeenkii Xalay Magaalada Hargaysa ku Dilay Marxuum Baashe Faarax.
November 25, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Ciidanka Booliska Somaliland ayaa gacanka kusoo dhigay nin habeenkii xalay magaalada hargaysa ku diley Marxuum laga magacaabi Jiray baashe Faarax Nuur sida ay ku sheegeen qoraal ay ku baahiyeen  boga ciidanka booliska Somaliland oo udhignaa Sidan;

Ciidanka Booliska JSL  ayaa Caawa gacanta ku soo dhigay Eedaysane Baashe Faarax Cabdi oo ku Eedaysan in uu dilay  Marxuum Jimcaale Rashiid Xasan ina Nuura Suudi oo 25 jir ah

Eedaysanahan ayaa ku  eedaysan ina ku dilay Marxuumka tooray Abaaro 2:30 Habeenimo ee Xalay kaasi oo  kaga dhuftay qoorta, Dilkan ayaa ka dhacay Huteelka Niil Ee Magaalada Hargeisa

Ciidanku waxa uu ugu baaqaayaa cid kasta  oo isku dayda amni darro in ay gacan bira ku soo qaban donaan iyagoo ILAAHAY talo. saaranaaya.

Ugu Dambayn Ciidanka Boolisku waxa uu shacabka Somaliland guud ahaantood  ku amaanayaa kala shaqaynta amniga iyo xogaha ay mar waliba la soo wadaagaan.

Alle Mahad leh

Xafiiska Warbaahinta

Ciidanka Booliska JSL

COMMENTS
LINKS