|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidamada Booliska Gabiley Oo Xabsiga Utaxaabay Wariyihii Horn Cable Iyo Sedex Dhalinyaro Ah’
October 22, 2022 - Written by Editor:GABILEY(W,N)-Maamulka goboka gabiley ayaa maanta xabsiga utaxaabay wariyihii tvga horn cable ee gobolka gabiley, masuul katirsan xisbiga waddani iyo laba dhalinayaro oo kale. Xadhiga dhalinyarada iskugu jira masuuliyiinta xisbiga waddani, suxufi farxaan cabdi awciise iyo labada dhalinyarada ah ayaa gabi ahaanba loo marin sifo sharci iyadoo laga dhex qab qabtay magaalada gabiley. Amarka lagu xidhay dhalinyarada ayaa la sheegay in uu bixiyay badhasaabka gobolka gabiley iyadoo aanay jirin sobobta loo xidhay. Ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa canbaareeyay xadhiga lagula kacay wariye farxaan cabdi awciisa iyagoo xukuumada ugu baaqay in ay deg deg xoriyadiisa ugu soo celiso Dhanka kale xisbiga waddani ayaa sharci daro ku tilmaamay falka xukuumadu ku xidhan gudoomiye kuxigeenka dhalinyarada buuni cabdi abiib oo isagu laba cisho ka hor ka hadlay arimo la xidhiidha xeerka caasimada iyo saamaynta gobolnimada gabiley.
Related posts:GUDIDA fulinta Xisbiga kulmiye Ee Laanta Bristol Oo Shir Ay Iskugu Yimaadeen Ku Doortay Hogaan Cusu... Xukuumada Madaxweyne Mustafe Cagjar oo Lagu Eedeeyay In Aanay Waxba Ka Qaban Xasuuqii Ka Dhacay Jaam... DAAWO;-Magaalada Boorama Oo Lagu Soo Dhaweeyay Dhalinyaro Calanka Somaliya Loo Xidhay Oo Xukuumadu S... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|