|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl Oo Kulan La Qaatay Dhallinyarada Iyo Aqoonyahanka Gobolka Gabiley.
September 11, 2022 - Written by Editor:Gabiley(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo safar shaqo ku joogo gobolka Gabiley, ayaa galabta kulan la qaatay dhallinyarada iyo aqoonyahanka reer Gabiley, waxana ay iska xog-waraysteen xaaladda guud ee deegaanka, horumarka ka hirgalay iyo mashaariicda ay xukuumaddu ka hirgelisay.
Qaybaha kala duwan ee aqoonyahanka reer Gabiley, ayaa madaxweynaha goobta ku weydiiyey su’aalo la xidhiidha qorsheyaasha xukuumadda ee deegaanka iyo waxyaabihii ka fulay ballamihiii dawladda ee Gabiley.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa mid mid uga jawaabay su’aalihii ay aqoonyahanku halkaas ku weydiiyeen, waxana uu tilmaamay in ka madaxweyne ahaan ay deegaannada dalka oo dhammi u siman yihiin, waxqabadka xukuumadda uu hoggaamiyaana ku salaysan yahay hadba baahida taalla gobollada dalka.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKA MADAXWAYNAHA; Related posts:DAAWO;-Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Geerida Prof Cali Khaliif Galaydh Iyo Aragtidiisii... War-Deg-Dega:Wasiirkii Hawlaha Guud Ee Xukuumada Farmaajo Oo Hada La Khaarajiyay Agagaarka Madaxtoo... Wasiiro Xukuumada Katirsan Iyo Maamulka Gobolka Gabiley Oo Kormeer Ku Tagay Degmada Agabar Oo Roob k... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|